HomeWararSiyaasi ku baaqay in la doorto Hoggaamiye Aragti fog oo Haybad Siyaasadeed...

Siyaasi ku baaqay in la doorto Hoggaamiye Aragti fog oo Haybad Siyaasadeed leh.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Bulshadda “The Social Justice party” , horeyna u ahaan jirey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”  ayaa Aragtidiisa ka dhiibtay Doorashadda soo socota ee Madaxtinimadda Somalia. Maxmuu Axmed Nuur Tarzan oo Wareysi dhinacyo badan leh dhawaan siiyey  Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Bulshadda “The Social Justice party” , horeyna u ahaan jirey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”  ayaa Aragtidiisa ka dhiibtay Doorashadda soo socota ee Madaxtinimadda Somalia.

Maxmuu Axmed Nuur Tarzan oo Wareysi dhinacyo badan leh dhawaan siiyey  Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegay inay dadka si aad ah  uga walaaceen Dib-u-dhigista Doorashadaasi oo la qorsheynayo inay dhacdo bisha September ee sannadkan.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey Qaabka uu u arko Doorashadda Madaxtinimadda Somalia, waxa uu soo bandhigay sifaha uu mudan yahay in lagu doorto Madaxweynaha Mustaqbalka, iyadoo Oraahdiisa laga dareemayo  saluug  dadban oo uu ka muujiyey Xulashooyinkii hore.

“Waa inaan dooranaa Siyaasi Aragti dheer leh, Runta sheega, ahna Siyaasi Xushmad iyo Qaddarin loo hayo” ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan oo isagu horey u sheegay inuu isku soo sharxi doono xilka Madaxtinimadda Somalia.

Dhinaca kale, Waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska The Guardian ku sheegay inay Dadku aad ugu baahan yihiin Dowladnimadda, loona baahan yahay in loo  muujiyo Farqiga u dhexeeya Dowladda iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Laakiin, haddii aysan Dowladda bixin Adeegyadda ama haddii ay tahay Dowlad uu Musuq ku fogaaday, markaa maxaa farqi ah oo u dhexeeya Alshabaab iyo Dowladda” ayuu isweydiiyey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxamuud Axmed Tarzan oo ah Muwaadin Somali-British waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka inay kasbadaan Dadweynaha, isagoo sheegay inay Dadweynuhu yihiin hubka kale ee Casriga ee ka qiimaha badan qaraxyadda iyo hubka kale.

Waxa uu tilmaamay inay Dadweynuhu  ka baqdaan Alshabaab oo aysan hadli karin, iyagoo ka baqanaya in shirqool lagu dilo,, waa sida uu hadalka u yiri.

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, ahana Duqa Muqdisho oo xilkaasi hayey muddo afar sanno ah, waxa uu weli door muhiim ku leeyahay Siyaasadda, isagoo  Guddoomiyaha ka ah  Xisbiga Caddaaladda Bulshadda “The Social Justice Party”.

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts