HomeWararDroneska Maraykanka ee lagu weerari jirey Alshabaab oo loo weeciyey Boko Haram

Droneska Maraykanka ee lagu weerari jirey Alshabaab oo loo weeciyey Boko Haram

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Milliteriga Maraykanka waxay dhawaan xireen Saldhig ay ku lahaayeen Koonfurta Ethiopia, oo ay u adeegsan jireen Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab. Warar haatan soo baxay ayaa sheegayo in Ciiddankii iyo Droneskii Maraykanka laga daad-gureeyey Ethiopia, lana geeyey dalka Kaamiruun. Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka waxay dhawaan xireen Saldhig ay ku lahaayeen Koonfurta Ethiopia, oo ay u adeegsan jireen Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Warar haatan soo baxay ayaa sheegayo in Ciiddankii iyo Droneskii Maraykanka laga daad-gureeyey Ethiopia, lana geeyey dalka Kaamiruun.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in Saldhigga ay Maraykanka ka samaysteen dalka Kaamiruun loo adeegsan doono Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Boko Haram iyo Alqaacidada ka sugan qeybo ka mid ah dalka Libya iyo Galbeedka Afrika.

Dhinaca kale, Maraykanka waxa uu Kharaj ku bixiyey in Dhismooyin cusub laga hirgeliyo Saldhigii Droneska Maraykanka ku lahaayeen Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Wargeyska Asharqal Awsad ayaa qoray inay Maraykanka dhowr bilood ka hor bixiyeen 7 million oo Dollar, si ay Shirkad Ethiopian ah uga hirgeliso  Saldhigga Droneska ee Arba Minch Dhismo iyo Xafiisyo ay adeegsan karaan 130 qof.

- Advertisement -

Saldhiggaasi ayaa horey loogu adeegsan jirey duqeymaha lala eegto Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAB) ee dalka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka ayaa qirsan inay sii kordhayso Baahida Hawlgalladda Droneska ee duqeymaha ka geysta dalalka Iraq, Syria iyo Yeman, waxaana arrintaasi laga dheehan karaa Droneska hadba dalal kale loogu daabulayo.

Radio Dalsan                      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts