HomeWararBandhig Faneedka “Showga Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka” oo lagu qaban doono Muqdisho.

Bandhig Faneedka “Showga Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka” oo lagu qaban doono Muqdisho.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Bandhig Faneed casri ah oo loogu magac daray “Showga Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka”  ayaa la filayaa in Duhurnimadda Jimcaha lagu qabto Garoonka K/Cagta ee Banaadir (Ex Conis Stadium) ee magaalladda Muqdisho. Guddiga Qabanqaabadda Bandhigaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ku jiraan Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee Bandhigaasi oo ay ka qeyb geli […]

- Advertisement -

Bandhig Faneed casri ah oo loogu magac daray “Showga Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka”  ayaa la filayaa in Duhurnimadda Jimcaha lagu qabto Garoonka K/Cagta ee Banaadir (Ex Conis Stadium) ee magaalladda Muqdisho.

Guddiga Qabanqaabadda Bandhigaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ku jiraan Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee Bandhigaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Fannaan caan ah oo isugu jira kuwo ka tirsan Hoballadda Qaranka ee Waaberi iyo Fannaaniinta dhawaan Muqdisho timid ee ay ka mid yihiin Axmed Nasta, Iidle Yare, Hodan C/raxmaan, Idil Caddow iyo Muusikiste Xasan Cujeer Cajami, kuwaasi oo Toddobaadkii  hore soo bandhigay Show aad iyo loola dhacay.

- Advertisement -

Guddigu waxay tilmaameen inay Kumanaan qof horey u sii goosteen Tikidhada si ay uga qeyb galaan daawashada Bandhigaasi, iyadoo Qiimaha Tikidhkana uu yahay 2-dollar.

Dhinaca kale,  Kharajka ka soo xerooda Bandhig Faneedka Jimcaha lagu qabanayo Garoonka K/cagta ee Banaadir  waxaa loogu talagalay in lagu taageero Dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka  “The National Theater” iyo in lagu caawiyo Fannaaniinta ku xanuunsan magaalladda Muqdisho.

bandhig22

- Advertisement -

SHOW 3 SHOW4 SHOW2 SHOW1

©Radio Dalsan 

Latest stories