HomeWararAlshabaab oo la sheegay inay Alqaacida ka heleen hub casri ah.

Alshabaab oo la sheegay inay Alqaacida ka heleen hub casri ah.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews, Ururka Alqaacida waxay Xarakadda Alshabaab u soo direen shixnad hub ah, si ay uga hortagaan xubnaha ka tirsan Kooxda Daacish ee doonaya inay Iimaaraad ka dhisaan gudaha Somalia. Wararku waxay sheegayaan in Alshabaab la soo gaarsiiyey Hub casri ah oo aad u horumarsan, sida ay qortay Shabakada Albawabhnews, inkastoo aan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews, Ururka Alqaacida waxay Xarakadda Alshabaab u soo direen shixnad hub ah, si ay uga hortagaan xubnaha ka tirsan Kooxda Daacish ee doonaya inay Iimaaraad ka dhisaan gudaha Somalia.
Wararku waxay sheegayaan in Alshabaab la soo gaarsiiyey Hub casri ah oo aad u horumarsan, sida ay qortay Shabakada Albawabhnews, inkastoo aan la shaacinin noocyadda hubka iyo qaabka lagu soo gaarsiiyey Xarakadda Alshabaab.
Shabakadda Albawabhnews, waxay kaloo qortay inay Hoggaanka Alqaacida ku amreen Madaxda Alshabaab inay iclaamiyaan Dagaal ay kaga hortagayaan xubnaha Daacish, si aysan saamayn ugu yeelanin gudaha Somalia, waa sida lagu daabacay Warbaahinta Albawabhnews ee Masar.
Madaxda Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay oggolaadeen Awaamiirta ka soo gaaray Madaxda Alqaacida, waxayna Madaxda Alshabaab bilaabeen inay gacan bir ah ku qabteen xubnaha ku biirayo Kooxda Daacish.

Hadalkan ayaa soo baxay, iyadoo ay Taageerayaasha Daacish ee ka go’ay Alshabaab isku urursanayaan Dhulka Kaymaha Boni ee dalka Kenya iyo qeybo ka mid ah Buuraha Galgala ee Maamulka Puntland.

- Advertisement -

Xarakadda Alshabaab waxay Ururka Alqaacida la midoobeen bishii Feberaayo ee sannadkii 2012-kii, iyadoo uu Amiirkii hore ee Alshabaab, Axmed Cabdi Godane ku dhawaaqay Midowgaasi oo ilaa iyo haatan aad u xoogeysatay.
Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Warbaahinta Carabta ayaa horey u qoray inay Dagaalyahanno Shisheeye ah oo ka tirsanaa Alshabaab ku biireen  Sheekh C/qaadir Muumin oo horey u taageeray Hoggaamiyaha  Kooxda Daacish, Abubakar Albaqdaadi.
Sheekh C/qaadir Muumin oo in muddo ah ku noolaa dalka Britain ayaa waxay isaga iyo Maleeshiyo taabacsan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Maamulka Puntland ee W/bari ee Somalia.

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts