HomeWararDowladda Federalka oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Safaradda Sacuudiga ku leedahay Iiraan

Dowladda Federalka oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Safaradda Sacuudiga ku leedahay Iiraan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadki 1961-dii  lagu gaaray magaalada Vienna. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo […]

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadki 1961-dii  lagu gaaray magaalada Vienna.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha Diblomaasiyadeed.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl gallada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka waddo dalkeeda iyo gobolkaba.

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriirka u jartay dowladda Iran, kaddib markii dibad baxayaal careysan ay weerareen Safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Dhinaca kale, Dowladaha Baxrayn iyo Sudan waxay xiriirka u jareen Iiraan, halka ay Dowladda Imaaraadka yareysay Heerka Xiriirka Diplomaasiyadda Iiraan.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories