HomeWararAlshabaab oo dhawaacay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya, isla markaana gubay gaari...

Alshabaab oo dhawaacay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya, isla markaana gubay gaari xamuul.

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Alshabaab ayaa la sheegay inay jidka u galeen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Boliska GSU ee dalka Kenya, waxayna dhaawaceen Saraakiil aan tiradooda la sheegin. Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi, ayaa qoray inay Alshabaab qarxiyeen miino la beegsadeen afar gaari oo ay la socdeen Saraakiishaasi xilli ay marayeen […]

- Advertisement -

Alshabaab ayaa la sheegay inay jidka u galeen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Boliska GSU ee dalka Kenya, waxayna dhaawaceen Saraakiil aan tiradooda la sheegin.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi, ayaa qoray inay Alshabaab qarxiyeen miino la beegsadeen afar gaari oo ay la socdeen Saraakiishaasi xilli ay marayeen Deegaanka Bargoni ee Waqooyiga Degmadda Laamu.

- Advertisement -

Ciiddanka GSU ayaa ku sii jeeday Deegaanka Kiunga, markii ay Alshabaab weerarka gaadmadda iyo qaraxyadda ku harqiyeen.

Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ayaa la sheegay inay tacshiirad isweydaarsadeen qaraxaasi kadib, iyadoo mid ka mid ah gaadiidka xamuulka ee Boliska dab la qabadsiiyey.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa u sheegay Wargeyska The Standard inay Saraakiisha iska caabiyeen weerarkaasi, wuxuuna intaasi ku daray inay dhaawacyo gaarsiiyeen Alshabaab.

- Advertisement -

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo sheegashadaasi.

Weerarkan ayaa yimid iyadoo ay Ciiddanka Kenya sheegeen inay ballaariyeen Hawlgalkii ka socday Dhulka Kaymaha ee Boni Forest, halkaasi oo ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Jaysh Ayman oo ka tirsanaa Alshabaab, balse bishii hore ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish.

Boliska Kenya waxay rumeysan yihiin inay Alshabaab iyo Daacish ka hawlgalaan qeybo ka mid ah W/bari Kenya.

©Radio Dalsan     

Latest stories