HomeWararMuuqaal Video oo ay Alshabaab ku cambaaraysay Musharaxa Madaxtinimadda Maraykanka ee Donald...

Muuqaal Video oo ay Alshabaab ku cambaaraysay Musharaxa Madaxtinimadda Maraykanka ee Donald Trump

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xarakadda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal cusub oo Video ah oo lagu naqdinayo hadalkii Musharax Donald J. Trump uu ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka. Muuqaalkaasi oo muddo 60 daqiiqo soconayo ayaa waxaa soo saaray Garabka Warbaahinta Alshabaab ee Alkataa’ib, waana Qeybtii Labaad ee lagu dhiirigelinayo dadka Muslimiinta Maraykanka inay ka […]

- Advertisement -

Xarakadda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal cusub oo Video ah oo lagu naqdinayo hadalkii Musharax Donald J. Trump uu ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Muuqaalkaasi oo muddo 60 daqiiqo soconayo ayaa waxaa soo saaray Garabka Warbaahinta Alshabaab ee Alkataa’ib, waana Qeybtii Labaad ee lagu dhiirigelinayo dadka Muslimiinta Maraykanka inay ka hor-yimaadaan baaqa Musharaxaasi ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee nacaybka u muujinayo dadka Muslimiinta ah.

- Advertisement -

Hadalka Donald J. Trump waxa loo cambaareeyey si xad-dhaaf ah, waxaana loo sheegay inuu ku ciyaarayo Gacmaha Kooxaha Islaamiyiinta

Hadalkaasi waxa uu bishii December ka jeediyey Isku-soo-bax ka dhacay South Carolina, isagoo ku baaqay in dhamaan Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Muuqaalka Video-ga waxaa ka muuqda sawiradda Dhallinyaro Maraykanka Madow oo ay Boliska toogteen, waxaana kuwaasi ka mid ah Michael Brownn iyo Walter Scott.

- Advertisement -

ANWAR ALWALAKIWaxaa kaloo ka muuqday Farriin Cod ah oo laga soo xigtay Hoggaamiye ka tirsanaa Alqaacida, oo la oran jirey  Anwar Al-awliki, kaasi oo ugu baaqayMuslimiinta inay isaga soo hayaamaan dalalka Reer Galbeedka ama ay ka dhex dagaalamaan.

Anwar Al-awlaki waxaa lagu dilay diqeyn ay Droneska Maraykanka kafuliyeen Yemen sannadkii 2011-kii.

Dhinaca kale, Video-ga Alshabaab soo saareen waxaa ka muuqday Sawiradda Dhallinyarro Soomali oo ka soo dhoofay Maraykanka, kuna soo biiray Xarakadda Alshabaab.

BLACK YOUTH

 

©Radio Dalsan       

Latest stories