HomeWararAkhriso: Magacyadda Tahriibayaal Somali lagu qabtay Zimbabwe oo la soo masaafurinayo.

Akhriso: Magacyadda Tahriibayaal Somali lagu qabtay Zimbabwe oo la soo masaafurinayo.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

  Tahriibayaal Somali ah oo tiradoodu dhan tahay 6 qof ayaa lagu qabtay dalka Zimbabwe, kadib, markii ay si sharci-darro ku galeen dalkaasi. Ilaaladda joogta xuduudka Biyo-dhaca the Victoria Falls Border ee u dhexeeya dalalka Zimbabwe iyo Zambia ayaa la sheegay inay qabteen Muwaadiniinta Soomaalida, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:- Maxamed Betuna oo 20-jir […]

- Advertisement -

 

Tahriibayaal Somali ah oo tiradoodu dhan tahay 6 qof ayaa lagu qabtay dalka Zimbabwe, kadib, markii ay si sharci-darro ku galeen dalkaasi.

- Advertisement -

Ilaaladda joogta xuduudka Biyo-dhaca the Victoria Falls Border ee u dhexeeya dalalka Zimbabwe iyo Zambia ayaa la sheegay inay qabteen Muwaadiniinta Soomaalida, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:- Maxamed Betuna oo 20-jir ah, Xaliimo Saciid oo 20-jir ah, Cismaan Isaaq oo 17 jir ah, C/salaam Nuur oo 17 jir ah, Naciimo C/llaahi oo 16 jir ah iyo Fu’aad Cabdi oo 14-jir ah.

Tahriibayaasha ayaa la hor geeyey Maxkamadda, waxayna qirteen inay si sharci-darro ah ku soo galeen dalka Zimbabwe.

Garsoore Rangarirai Gakanje ayaa Eedeysanayaasha u sheegay inay yihiin dad da’ yar ah oo dalkooda u bahaan yahay, wuxuuna ugu digay inaysan mar kale soo tahriibin.

- Advertisement -

Waxa uu amar ku bixiyey in loo masaafuriyo dalkooda hooyo ee Somalia.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa ilmeeyey, markii loo sheegay in dib loogu celinayo dalkooda, waxayna muujiyeen inay dhibaatooyin kaga soo carareen Somalia iyo inay raadinayaan Mustaqbal Fiican.

©Radio Dalsan                          

Latest stories