HomeWararSarkaal ka tirsan Boliska Maraykanka oo jirdilay Nin Somali-Maraykan ah oo aan...

Sarkaal ka tirsan Boliska Maraykanka oo jirdilay Nin Somali-Maraykan ah oo aan dacwad lagu soo oogi dooin

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Muuqaal la soo dhigay Twitterka ayaa muujinayo Sarkaalkaasi oo Dareewal Soomaali ah surka ka qabtay, kadibna cadaadiyey, si uu gaarigiisa uga kaxeeyo goob gaadiidka la dhigtay oo ku taalla Degmadda Richfield ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka. Dhacdadan ayaa dhacday bishii October 3-dii, kadib, markii Sarkaalkaasi uu madaxa ka garaacay Ninka Soomaaliga oo lagu magacaabo […]

- Advertisement -

Muuqaal la soo dhigay Twitterka ayaa muujinayo Sarkaalkaasi oo Dareewal Soomaali ah surka ka qabtay, kadibna cadaadiyey, si uu gaarigiisa uga kaxeeyo goob gaadiidka la dhigtay oo ku taalla Degmadda Richfield ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

police 2Dhacdadan ayaa dhacday bishii October 3-dii, kadib, markii Sarkaalkaasi uu madaxa ka garaacay Ninka Soomaaliga oo lagu magacaabo Kamaal Geelle oo 19-jir ah.

- Advertisement -

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha ee Hennepin, ayaa sheegay inay dib u eegeen baaritaanka kiiskaasi, waxayse ka gaabsadeen inay Sarkaalka ku soo oogaan dacwad.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Xuquuda Aadanaha Soomaalida ku nool Maraykanka, Omar Jamal ayaa sheegay in ay Dhibanaha iyo Waalidkiisa isbuucan la kulmeen Saraakiil ka tirsan Qeybta Boliska ee Degmadda Richfield, isla markaana qorsheynayaan inay Dacwad ku soo oogaan Qeybta Boliska ee Degmadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jaalliyadda iyo Qoyska Kamaal Geelle ku faraxsanayn qaabka ay wax ku socdaan iyo waxa ka soo bixi kara, laakiinse ay sii wadi doonaan inay Boliska kala hadlaan Kiiskaasi, si ugu yaraan xitaa loo soo gebagebeeyo.

- Advertisement -

©Radio Dalsan 

Latest stories