HomeWararNin Somali oo lagu dhaawacay duleedka magaalladda Manchester

Nin Somali oo lagu dhaawacay duleedka magaalladda Manchester

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Nin Somali oo 22-jir ah ayaa 8-dii fiidnimo ee xalay lagu toogtay Deegaanka Moss Side oo 1.9 miles dhanka Koonfurta kaga toogan magaalladda Manchester ee dalka Britain. Boliska waxay sheegeen inay rumeysam yihiin inay toogashadaasi xiriir la leedahay Kooxaha Gangestradda. Ninka Soomaaliga ayaa laga toogtay Laabta isagoo ku sugnaa Isgoyska Jidka Broadfield Road, waxaana dhaawaciisa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nin Somali oo 22-jir ah ayaa 8-dii fiidnimo ee xalay lagu toogtay Deegaanka Moss Side oo 1.9 miles dhanka Koonfurta kaga toogan magaalladda Manchester ee dalka Britain.

Boliska waxay sheegeen inay rumeysam yihiin inay toogashadaasi xiriir la leedahay Kooxaha Gangestradda.

- Advertisement -

Ninka Soomaaliga ayaa laga toogtay Laabta isagoo ku sugnaa Isgoyska Jidka Broadfield Road, waxaana dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka, iyadoo ay xaalladiisu haatan deggan tahay.

Boliska ayaa sheegay inuu aad u nasiib badan yahay, waayo dhaawaciisa lagama cabsi qabo inay noloshiisa khatar geliso.

Baarayaasha Boliska waxay Isbitaalka su’aalo ku weydiinayaan ninkaasi oo la fahamsan yahay inuu ka yimid Moss Side.

- Advertisement -

Bolis badan ayaa la keenay goobtii ay toogashada ka dhacday, waxayna Boliska heleen gumaca rasaastii lagu toogtay Ninka Soomaaliga, waxayna toogashadaasi u muuqatay Toogasho bartilmaameed ah oo isaga lala beegsaday.

Tony Lea oo ka tirsan Qeybta Boliska Koonfurta Manchester ayaa ka codsaday qof kasta oo ku sugnaa goobta ay toogashadu ka dhacday inuu Boliska u yimaado, si uu Warbixin u siiyo.

Waxa uu sheegay inuu baaritaanku wejigiisa hore uu marayo, lagana shaqeynayo goobta ku wareegsan halka ay Toogashadu ka dhacday.

Dhinaca kale, dadka deggan Jidka Salisbury Road waxay saakayto markay soo tooseen naxdin ka qaadeen Warka Subaxnimo oo ay ka dhegeysteen  shilkii xalay ka dhacay Deegaankooda, waxayna sheegeen inay argagaxeen, markii ay maqleen dhacdada shilkaasi.

UK POLICE 1 UK POLICE 2 UK POLICE

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

Xigasho: Manchester Evening News

©Radio Dalsan   

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts