HomeWararMadaxweynaha: "Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada...

Madaxweynaha: “Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada Midoobay ka fulineyso Soomaaliya”

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Muqdisho, Khamiis-31 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaan Mr Kay uga mahad celinayaa hawshii uu dalka ka qabtey muddadii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, Khamiis-31 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaan Mr Kay uga mahad celinayaa hawshii uu dalka ka qabtey muddadii labadii sanno iyo barka ahayd. Waxaa isagoo aan marna ka daalin uu dadaal badan geliyay nabadda iyo xasiloonida, isagoo dusha kala socday hawlihii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waddey, isla markaana xil weyn iska saaray in dadaalka beesha caalamka uu noqdo mid si wacan la isugu dubbariday. Waxaan ku bogaadinaynaa kaalintiisa, inagoo aqoonsan, kuna ammaanayna dadaalka uu geliyay Soomaaliya iyo shacabkeeda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

“Waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan, inagoo ku rajo weyn in xil kasta oo uu qabto uu ku muujin doono dadaal la mid ah tii uu ku bixiyey Soomaaliya’’, ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Kay waxaa loo magacaabay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya sannadkii 2013. Waxaa beddelaya Mr Michael Keating oo xilka la wareegi doona bisha January, 2016-ka.

—DHAMMAAD—

- Advertisement -

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts