HomeWararEthiopia oo kala shaqeynayso Maamulka Jubbaland sidii loo xaqiijin lahaa Nabadda Somalia

Ethiopia oo kala shaqeynayso Maamulka Jubbaland sidii loo xaqiijin lahaa Nabadda Somalia

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

  Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Ethiopian Herald ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axxmed Madoobe oo haatan booqasho ku jooga  magaalladda Addis Abeba. Tedros Adhanom waxa uu tilmaamay inay Dowladdiisa kaalin dhexe […]

- Advertisement -

 

Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Ethiopian Herald ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axxmed Madoobe oo haatan booqasho ku jooga  magaalladda Addis Abeba.

- Advertisement -

Tedros Adhanom waxa uu tilmaamay inay Dowladdiisa kaalin dhexe ka ciyaarayso Deganaanshaha Somalia, isla markaana ay sii wadayaan dadaalkaasi ilaa uu dalka Somalia ka noqonayo Waddan Xasilloon.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda inay si wadajir ah uga shaqeeyaan Deganaanshaha dalkooda.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Ethiopia sii wadayso dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Jubbaland, isla markaana ay Maamulka Jubbalnad kala shaqeynayaan Nabadda Guud ee Somalia.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay inuu Maamulkiisa doonayo inuu Dowladda Ethiopia kala shaqeeyo Badbaadinta guud ahaan Somalia, gaar ahaan Jubbaland ka taageeroDagaalka lagula jiro Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Unugyadda lidka ku ah Nabadda “ Anti-peace elements”.

addis 2 addis 3 addis addis 1

©Radio Dalsan                           

Latest stories