HomeWararMasar oo Fadwo ka soo saartay qorshaha Daacish ugu soo firxanayaan Somalia,...

Masar oo Fadwo ka soo saartay qorshaha Daacish ugu soo firxanayaan Somalia, Kenya, Libya iyo Nigeria.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

La-taliyaha Muftiga dalka Masar, Dr. Ibrahim Najam ayaa sheegay inay soo saareen Fadwo  ku aadan inaysan Daacish xaq u lahayn inay iclaamiyaan Dagaal Jihaad ah iyo inay isbedel ku sameeyaan Diinta, waa sida uu hadalka u yiri. La-taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Daacish bilaabeen inay ka soo firxadaan dalalka Syria […]

- Advertisement -
- Advertisement -

La-taliyaha Muftiga dalka Masar, Dr. Ibrahim Najam ayaa sheegay inay soo saareen Fadwo  ku aadan inaysan Daacish xaq u lahayn inay iclaamiyaan Dagaal Jihaad ah iyo inay isbedel ku sameeyaan Diinta, waa sida uu hadalka u yiri.

La-taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Daacish bilaabeen inay ka soo firxadaan dalalka Syria iyo Iraq, waxayna u soo jiheysteen dalalka Somalia, Libya iyo Nigeria, si ay uga bilaabaan Kacdoonkooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Fadwada ay soo saartay Daarta Fadwada Masar ayaa lagu muujiyey inay Daacish loolan ugu jirto sidii ay ugu xoogeysan lahaayeen dalalka Somalia, Kenya, Nigeria, Libya iyo Mali.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay Dagaalamayaasha Daacish u soo foofeen inay Somalia ka hawlgalaan, iyadoo horey loo sheegay inay joogaan Dagaalyahano Taabiciin ama Taageerayaal u ah Daacish.

Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegtay inay surka ka jari doonaan kuwa taageera ama ku biira Kooxda Dacaish, iyadoo ay Alshabaab horey Heshiis la galeen Ururka Alqaacida.

- Advertisement -

Qoraalka Fadwada ee ka soo baxay dalka Masar ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay Dowladda Kenya shaacisay inay Alshabaab iyo Daacish ka hawlgalaan Kaymaha Booni iyo deegaano ku yaalla W/bari Kenya.

©Radio Dalsan                 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts