HomeWararLa-yaabka: Wiil 15 jir ah oo haddana la moodo ilmo yar.

La-yaabka: Wiil 15 jir ah oo haddana la moodo ilmo yar.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Raman Raikvar waa 15 jir u dhashay dalka Hindiya, balse muuqaal ahaan u eg ilmo 6 jir ah. Waa uu gaaban yahay, waxaana dherekiisu yahay 32 inch ama ku-dhawaad labo cagood (two feet). Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Qadian oo ah Degmo yar oo ku taalla Gobalka Punjab ee Waqooyiga dalka Hindiya ayaa ah […]

- Advertisement -

GAABOW 1111Raman Raikvar waa 15 jir u dhashay dalka Hindiya, balse muuqaal ahaan u eg ilmo 6 jir ah.

Waa uu gaaban yahay, waxaana dherekiisu yahay 32 inch ama ku-dhawaad labo cagood (two feet).

- Advertisement -

Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Qadian oo ah Degmo yar oo ku taalla Gobalka Punjab ee Waqooyiga dalka Hindiya ayaa ah wiil ay dadku ku madadaashaan, waxayna dadku la yaahan yahay da’diisa iyo sida uu uga muuqaal yar yahay ilmaha faciisa.

Raman Ravikar next to a truck tyreRaman Raikvar waxa uu sheegay inaysan murug ku haynin yaraantiisa, wuxuuna sheegay inuu ogsoon yahay inuusan marnaba u kori doonin una dheeraan doonin sida saaxiibadiisa iyo carruurta kale.

Waxa sii kordhayso Shacbiyadiis, wuxuuna haatan Aktar yar ka noqday Degmadiisa.

- Advertisement -

“Waalidkey Dugsi bay iga soo qoreen, anigana waan jeclahay Waxbarashadda, laakiin ardayda aan isku fasalka nahay iyo kuwo kale wey igu qoslaan, waxayna ugu yeeraan magacyo kala duwan” ayuu yiri Raman Raikvar, wuxuuna intaasi ku daray inuu mararka qaarkood ilmeeyo, marka ay ka diidaan inay ka dhaafaan magacyada xunxun ee ay ugu yeeraan.

Waxa uu sheegay inuu dareemayo inuu madaxa ka korayo, balse qeybaha kale ee jirkiisa weli sidooda yihiin oo aysan korin.

Raman Ravikar with his familyAabahiisa oo lagu magacaabo Jagannath Raivar oo 47-jir ah ayaa sheegay inuu Wiilkooda gaaban dhashay kadib, markii ay dhaleen 5 gabdhood iyo wiil kale.

Waxa uu tilmaamay inuu si caadi jirkiisa u korayey ilaa uu ka gaaray 3 jir, kadibna ay u geeyeen Dhakhtar oo waxaa la siiyey Daawooyin, balse waxba kama taageerin koritaankiisa.

Raman Ravikar surrounded by people in the marketRaman Raikvar waxa uu shaqo ka helay Bakhaar lagu gado Caanaha , wuxuuna mas’uul ka yahay qabashadda Lacagta.

Milkiilaha Dukaankaasi oo lagu magacaabo Lovely Singh waxa uu sheegay inuu wiilka yar maalin ku arkay isagoo fadhiya meel u dhow Dukaankiisa, una qaatay inuu ilmo yar yahay, balse waxaan ogaaday in Tobaneeyo sanno jiro.

Milkiilaha waxa uu intaasi ku daray inuu go’aansaday inuu shaqo ka siiyo Bakhaarka.

“Markii uu shaqada ii bilaabay waxaan yeeshay Macaamil badan, kuwaasi oo meelo fogfog ka imaanayo si ay u iibsadaan Caanaha” ayuu yiri Milkiilaha oo intaasi ku daray  inuu Raman Raikvar si qalbi furan u soo dhaweynayo Macaamiisha, iyadoo uu qof kasta baxayo isagoo u dhoola-caddeynayo.

Milkiilaha waxa uu intaasi ku daray inuu wiilkaasi yar ku heli karo magac iyo hanti, maadaama uu yahay Majaajilistaha ugu yar Caalamka.Raman Ravikar with a group of 15-year-old boys

Raman Ravikar playing cricket

Raman Ravikar lifting a bottle of Coke

Raman Ravikar with a 4-year-old girl

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan   

Latest stories