HomeWararBoliska Kenya oo sheegay inay rag lala xiriirinayo Alshabaab ku qabteen Mombasa.

Boliska Kenya oo sheegay inay rag lala xiriirinayo Alshabaab ku qabteen Mombasa.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay  Boliska Mombasa gacanta ku dhigeen 3 La-tuhunsanayaal uu ku jiray Sarkaal ka tirsan Hay’adda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS), kuwaasi oo lagu helay inay haysteen 53 rasaasta qoriga AK 47.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Maxamed Xuseen, Rooble Qaasim iyo Aadan C/llaahi ayaa la sheegay in shalay lagu qabtay Hoteelka Salius Hotel ee magaalladda Mombasa.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Hoteelka oo lagu magacaabo Mawondu Kiambi ayaasheegay inay raggaasi dhowr jeer yimaadeen Hoteelka tan iyo bilowgii sannadkan, iyadoo ay la socdeen dad kale.

Boliska waxay sheegeen inay raadinayaan Milkiilihii Hoteelkaasi.

Taliyaha boliska Mombasa, Martin Asin ayaa sheegay in Eedeysanayaasha u gudbin doonaan Maxkamadda, kadib, markii la dhamaystiro baaritaanka lagu hayo.

Eedeysanayaasha waxaa su’aalo weydiinayo Saraakiil ka tirsan Dembi-baarista CID, ka hor inta aan lagu wareejinin  Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu Wargeyska The Star ka qoray Dhacdadaasi.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories