HomeWararNin Somali oo dhawaan u guuray Maraykanka oo ku geeriyooday shil gaari.

Nin Somali oo dhawaan u guuray Maraykanka oo ku geeriyooday shil gaari.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Boliska Degmadda Tukwila ee duleedka caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in Nin Somali ah uu xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay meel ku dhow goobta loo yaqaano Sea Tac. U ololeeye ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida deggan Maraykanka oo lagu magacaabo Maxamed Aw-doon ayaa sheegay in Marxuumka ku geeriyooday shilkaasi uu ahaa […]

- Advertisement -

Boliska Degmadda Tukwila ee duleedka caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in Nin Somali ah uu xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay meel ku dhow goobta loo yaqaano Sea Tac.

U ololeeye ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida deggan Maraykanka oo lagu magacaabo Maxamed Aw-doon ayaa sheegay in Marxuumka ku geeriyooday shilkaasi uu ahaa Nin Soomaali oo dhawaan u soo guuray Maraykanka.

- Advertisement -

“Xaqiiqdii waa tiiraanyo, waana ogahay inay Jaalliyadda caawa dareemayaan naxdintaasi, isla markaana uu ka baxay qof ku weyn Ummadda” ayuu yiri Aw-doon oo dhinaca kale tilmaamay in goobta uu shilku ka dhacay ka go’I doonin Quluubta  Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka.

Lama sheegin magaca Marxuumka ku geeriyooday shilkaasi, waxayna Boliska xireen Haweeneydii kaxeynaysay gaariga dilay Marxuumka la sheegay inuu dhawaan u soo wareegay Maraykanka.

shil 2 shil 3

- Advertisement -

shil 4

Xigasho: komonews.com

©Radio Dalsan        

Latest stories