HomeWararMagacyadda dadkii ay Ciiddanka Kenya ku dileen Mandera oo la shaaciyey iyo...

Magacyadda dadkii ay Ciiddanka Kenya ku dileen Mandera oo la shaaciyey iyo xiisad weli taagan.

Date:

Related stories

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Abaaraha iyo Fatahaadaha Soomaaliya oo Miiska Caalamka La Saaray

Soomaaliya oo Brazil ku soo bandhigtay fursadaha iyo caqabadaha maalgelinta cimilada.

Waxay faahfaahino cusub ka soo baxayaan fal ay Ciiddanka Kenya shalay ku dileen 2 qof oo rayid ah bartamaha Degmadda Mandera, kadib, markii ay Ciiddanka hubsiimo la’aan u toogteen dadkii la socday gaarigaasi. Marxuumiinta ay Ciiddanka Kenya dileen waxaa lagu kala magacaabi jirey C/raxmaan Raaxooy oo lagu naanaysi jirey Maaneey, kaasi oo ka mid ahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxay faahfaahino cusub ka soo baxayaan fal ay Ciiddanka Kenya shalay ku dileen 2 qof oo rayid ah bartamaha Degmadda Mandera, kadib, markii ay Ciiddanka hubsiimo la’aan u toogteen dadkii la socday gaarigaasi.

Marxuumiinta ay Ciiddanka Kenya dileen waxaa lagu kala magacaabi jirey C/raxmaan Raaxooy oo lagu naanaysi jirey Maaneey, kaasi oo ka mid ahaa Ciyaartoyda K/cagta ee Mandera iyo Aadan Nayanya oo ahaa Dareewalkii gaariga ay Ciiddanka Kenya rasaaseeyeen.

- Advertisement -

Toogashadda ayaa waxay ka dhacday Waddo hormarta Hoteelka Green View Hotel kuna dhow Suuqa lagu iibiyo Qaadka.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay Labada Marxuum ahaayeen dad Biri-ma-geydo ah oo aan hubaysanayn, inkastoo ay Ciiddanka Kenya ku doodeen inay ka shakiyeen inuu gaariga waday waxyaabaha qarxa.

ali robo manderaGuddoomiyaha Mandera, Ali Roba waxa uu ugu baaqay Dadka ku nool Mandera inay muujiyaan Deganaansho, kadib, markii ay Ciiddanka shalay rasaas ku fureen gaari yar oo ay wateen 2 nin oo rayid ah oo Reer Mandera ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu Kulan Degdeg ah la yeeshay Taliyaha Boliska Gobalka Mandera iyo Saraakiisha Ammaanka, oo ay kaga hadleen Xiisadaasi.

Guddoomiyaha waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya in la sameeyo baaritaan iyo in Saraakiisha lagu helo dembigaasi la diiwaan geliyo.

Koox ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa baaray gaariga Marxuumiinta wateen waxaana laga helay Waraaqahooda Aqoonsiga (ID Card)-kooda oo keliya, lagamana helin waxyaabaha qarxa.

photosProbox car 1

 

©Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts