HomeWararKenyaanka iyo Soomaalida ku ganacsada Xaafadda Islii ee Nairobi oo ku goodiyey...

Kenyaanka iyo Soomaalida ku ganacsada Xaafadda Islii ee Nairobi oo ku goodiyey inaysan bixin doonin Canshuuraha

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Milkiilayaasha Dhismayaasha iyo Ganacsatadda  Xarumaha Ganacsiga ee Xaafadda Islii  ayaa shalay Kulan ka yeeshay Nadaafad-xumida ka jirta Deegaankaasi, iyadoo Waddooyinka buux dhaafiyeen qashinka. Wargeyska The Star ayaa maanta qoray in Kulankaasi lagu go’aamiyey inaan la bixin wax Canshuur ah, tan iyo inta uu Maamulka Nairobi wax ka qabanayo gudaafadda hor dhooban Goobaha Ganacsiga ee Islii. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milkiilayaasha Dhismayaasha iyo Ganacsatadda  Xarumaha Ganacsiga ee Xaafadda Islii  ayaa shalay Kulan ka yeeshay Nadaafad-xumida ka jirta Deegaankaasi, iyadoo Waddooyinka buux dhaafiyeen qashinka.

Wargeyska The Star ayaa maanta qoray in Kulankaasi lagu go’aamiyey inaan la bixin wax Canshuur ah, tan iyo inta uu Maamulka Nairobi wax ka qabanayo gudaafadda hor dhooban Goobaha Ganacsiga ee Islii.

- Advertisement -

Go’aanka waxaa kaloo lagu xusay inaan la bixinin Lacagta Shatiga Ganacsiga iyo Milkiyadda Guryaha laga bilaabo sannadka soo socda ee 2016-ka oo ay maalmo kooban ka harsan.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata  Go’Aan Cadaadis-saar  ku khasbayo  Maamulka Dowladda Hoose ee Nairobi inay wax ka qabtaan Adeegyadda Asaasiga ee Nadaafadda iyo Faya Dhowrka Xaafadda Islii oo lagu naanayso Muqdisho Yar “Little Mogadishu”.

Xildhibaan Osman Ibrahim oo laga soo doortay Waqooyiga Islii ayaa u sheegay Milkiilayaasha Mehradaha Ganacsiga in Isfaham lagu dhamaynayo arrinta, wuxuuna xusay inuu ka codsaday Garyaqaan inuu Maxkamadda ka keeno Qoraal lagu amrayo in lagu joojinayo Kharajka ay Ganacsatada bixiyaan.

- Advertisement -

Xildhibaanka oo sheegay inuu Ganacsatada taageersan yahay waxa uu tilmaamay inuu Dastuurka fasaxayo in la qabto Dibadbaxyo Nabadeed oo lagu difaacayo Xuquuqda qofka kale.

Dhinaca kale, Kenyaanka waxay Twitterka ku naqdiyeen Waxqabad la’aanta Guddoomiyaha Maamulka Nairobi, Evans Kidero, gaar ahaan qashinka dhex ceegaaga qeybo ka mid ah magaalladda Nairrobi oo ay ku jirto Xaafadda Islii.

©Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts