HomeWararWasiiro iyo Xildhibaano booqasho ku tegay Jowhar

Wasiiro iyo Xildhibaano booqasho ku tegay Jowhar

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Barqanimaddii maanta waxaa magaalladda Jowhar booqasho ku tegay Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’” oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan. Wafdigaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalladda Jowhar, waxay Kulamo la leeyihiin Madaxda […]

- Advertisement -

Barqanimaddii maanta waxaa magaalladda Jowhar booqasho ku tegay Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’” oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wafdigaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalladda Jowhar, waxay Kulamo la leeyihiin Madaxda Gobalka Sh/dhexe, Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururradda Bulshadda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe, Cali Guudlaawe Xuseen iyo xubnaha Maamulkiisa ayaa Wafdiga warbixin ka siiyey Heerka uu marayo Qabanqaabadda loogu diyaar-garoobayo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Odawaa’ oo ay ka mid yihiin Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhalinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay kormeer hawleed ku tageen Hoolka lagu qabanayo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wafdiga waxay socod lug ah ku mareen bartamaha magaalladda Jowhar, iyadoo ay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku nool Jowhar ay si farxad leh u soo dhaweynayeen Wafdigaas.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ahaan ugu dhawaaqo xilliga la qabanayo Shirkaasi, kadib, marka uu Shir Khaas ah la yeesho Wasiiradda iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda Labada Gobal oo ay isla eegayaan Qabsoomida Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

JOWHAR9 JOWHAR8 JOWHAR7 JOWHAR6 JOWHAR5 JOWHAR4

JOWHAR0000 JOWHAR2 JOWHAR1

©Radio Dalsan 

Latest stories