HomeWararFaahfaahin: Ciiddanka Dowladda oo Alshabaab ka saaray Qoryooley.

Faahfaahin: Ciiddanka Dowladda oo Alshabaab ka saaray Qoryooley.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Gelinkii dambe ee shalay Ciiddanka Dowladda iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku dagaalamay Degmadda Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose. Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Degmadaasi, waxayna gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Ciiddanka Dowladda ayaa xilligaasi dib u gurtay, balse waxay taageero ka heleen Ciiddanka […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay Ciiddanka Dowladda iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku dagaalamay Degmadda Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose.

Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Degmadaasi, waxayna gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

- Advertisement -

Ciiddanka Dowladda ayaa xilligaasi dib u gurtay, balse waxay taageero ka heleen Ciiddanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Hawlgalka AMISOM.

Xaalladda Qoryooley ayaa sakayto deggan, waxaana ku sugan Ciiddanka Dowladda, kuwaasi oo bilaabay baaritaano iyo hawlgal lagu sugayo Ammaanka.

Iska horimaadkii shalay waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

- Advertisement -

Ciiddanka Dowladda waxay sheegeen in ay 5 Askari kaga geeriyoodeen dagaalkaasi.

Sidoo kale, dhowr qof oo rayid ahaa ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen xabadihii ay labada dhinac isku adeegsadeen.

Dhinaca kale, ma cadda tiradda Alshabaab kaga geeriyootay amaba kaga dhaawacantay dagaalkii shalay ka dhacay gudaha Degmadda Qoryooley oo ku taalla goob Istaraatijiyad leh.

©Radio Dalsan      

 

Latest stories