HomeWararXildhibaan Dalxa:- “Waxaan arkayey Culimo jibeysan, mana jirto in la faafinayey Shiico”.

Xildhibaan Dalxa:- “Waxaan arkayey Culimo jibeysan, mana jirto in la faafinayey Shiico”.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

G/Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay in Munaasabaddii ay Safaaradda Iiraan qabanqaabisay Khamiistii la soo dhaafay ahayd mid lagu faafinayey Mad-habta Shiicadda. Xildhibaan Dalxa oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay […]

- Advertisement -

G/Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay in Munaasabaddii ay Safaaradda Iiraan qabanqaabisay Khamiistii la soo dhaafay ahayd mid lagu faafinayey Mad-habta Shiicadda.

Xildhibaan Dalxa oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay Munaasabadaasi oo ka dhacday Baarka Village ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Munaasabadda ahayd mid lagu weyneynayey Mowlidka ama Dhalashadda  Nebigeenna Maxamed  CSW.

- Advertisement -

“Waxaan arkayey Culumo Jibaysan oo ku digrinayso Salliga Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaama, mana jirin arrimaha kale ee la sheegayo” ayuu yiri Prof. Dalxa, wuxuuna intaasi ku daray inuu isagu Xafladaasi uga qeyb galay Casuumaad ay Safaaradda Iiraan u fidisay Barlamaanka Somalia.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Ka-qeybgalayaasha la kala dareeriyey, iyagoo aan dhamaysanin Munaasbaddaasi, wuxuuna dhanka kale xusay inuusan falkaasi carqaladayn doonin Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Federalka Somalia iyo Jamhuuriyadda Islaamka Iiraan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA soo saartay Qoraal ay ku sheegtay in la qabtay Labo Nin oo u dhashay Iiraan, kuwaasi oo lagu helay inay faafinayeen Mad-habta Shiicadda.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in raggaasi la xiray, kadib, markii ay ka weecdeen Heshiiskii ay ku heleen Marti-gelinta ay ku joogaan gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

Latest stories