HomeWararJowhar: Magaallo u diyaar-garowday Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Jowhar: Magaallo u diyaar-garowday Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar waxay ka mid tahay Magaallooyinka ugu barwaaqadda badan  Goballadda Somalia, waana magaallo haatan aad uga soo kabatay colaadihii sokeeye iyo barakicii baahsanaa. Magaalladda Jowhar oo 90-KM u jirta magaalladda Muqdisho waa magaallo ku caan ah Marti-soorka, waxayna ahayd magaalladii marti-gelisay Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Kolonel C/llaahi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar waxay ka mid tahay Magaallooyinka ugu barwaaqadda badan  Goballadda Somalia, waana magaallo haatan aad uga soo kabatay colaadihii sokeeye iyo barakicii baahsanaa.

Magaalladda Jowhar oo 90-KM u jirta magaalladda Muqdisho waa magaallo ku caan ah Marti-soorka, waxayna ahayd magaalladii marti-gelisay Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Kolonel C/llaahi Yuusuf.

- Advertisement -

Magaalladda waxay haatan isku diyaarinaysaa Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana magaalladda ka socda Dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu ballaarinayo Adeegyadda Asaasiga, waxaana ka socda Hawlo lagu dhisayo  Dhismayaal casri ah, laguna kobcinayo Ganacsiga.

Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo kan magaalladda Jowhar waxay culayska saareen Horumarinta Bilicda, Nadaafadda iyo Ammaanka magaalladda Jowhar.

Xaqiiq ahaan, magaalladda Jowhar waxay u muuqataa mid xitaa marti-gelin karta Shirarka Caalamiga iyo Shirar Gobaleedka dalalka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, magaalladda Jowhar waxaa haatan laga dareemayaa inay sare u kaceen qiimaha lagu kireysto Guryaha caadiga iyo Hoteelladda, waxaana suurto-gal inuu qiimaha guryaha sare u sii kici doono marka uu Shirku furmo iyo marka la gaaro Tartanka  Murashixiinta  Madaxtinimadda Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Taageerayaashooda Jibaysan.

Bal nala daawada Sawiradda uga dambeeyey ee laga soo qaado magaalladda Jowhar oo ah Jowharadii Qaranka:-

JOWHAR 5 JOWHAR 4 JOWHAR 3 JOWHAR 2 JOWHAR 19 JOWHAR 16 JOWHAR 15 JOWHAR 14 JOWHAR 13 JOWHAR 12 JOWHAR 11 JOWHAR 10

 ©Radio Dalsan 

Sawir qaade: Cabdalla Coonka Yare

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts