HomeWararDiyaaradaha Dagaalka Uganda oo ku soo biirayo Hawlgalka AMISOM ee ka dhanka...

Diyaaradaha Dagaalka Uganda oo ku soo biirayo Hawlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Uganda oo ka mid ah Dowladaha Afrikaanka ee ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan gudaha dalka Somalia ayaa xaqiijisay qorsha ay bilowga sannadka soo socda ee 2016-ka  ay Unug ka mid ah Diyaaradaheeda Dagaalka ka hawlgeli doonaan Hawada Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalka ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab. Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Uganda oo ka mid ah Dowladaha Afrikaanka ee ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan gudaha dalka Somalia ayaa xaqiijisay qorsha ay bilowga sannadka soo socda ee 2016-ka  ay Unug ka mid ah Diyaaradaheeda Dagaalka ka hawlgeli doonaan Hawada Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalka ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa ka soo xigatay Ilo ka tirsan Milliteriga Uganda inay Tallaabadan xiriin doonan Dowladda Federalka Somalia iyo Ururka Midowga Afrika ee gacanta ku haysa Hawlaha Nabad-ilaalinta Somalia, si loogu guuleysto in  lala wareego Deegaannadda ay Alshabaab weli ka maamulaan Goballadda Somalia.

- Advertisement -

Dowladda Uganda waxay kaloo sheegtay inay Somalia u soo dirayaan Helikoptaro, Diyaaradaha Xamuulka  iyo Diyaaradaha Caafimaadka, si ay taageero u siiyaan Ciiddanka Afrikaanka ee ka hawlgala Somalia, iyadoo Awoodda ugu weyn Ciiddankaasi yihiin Ciiddanka Uganda oo Somalia joogay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Waxaa kaloo Hawlgalka AMISOM qeyb ka ah Ciiddamo ka kala socda Dowladaha Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Burudni.

Dowladda Uganda waxay sheegtay inay lama huraan noqotay in Tas-hiilaadka Milliteri ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM u keenaan Somalia, maadaama ay aad u kala fog yihiin Somalia iyo Uganda.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha Dowladda Uganda ku keenayaan Diyaaradaha Dagaalka ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo aan Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax mushaar ah la siinin muddo 7 bilood ah.

UPDF AIR FORCE 2 UPDF AIR FORCE 1 UPDF AIR FORCE 3 UPDF AIR FORCE 0000

 

Xigasho: albawabhnews

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts