HomeWararAlshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya.

Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya.

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Xarakadda Alshabaab  ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Degmadda Ceel-waaq iyo Deegaanka Lafey ee W/bari Kenya, laguna dilay 2 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya, laguna gubay gaarigii ay la socdeen.

GAARI BOLISKA KENYA OO LA GUBAYKu-xigeenka Guddoomiyaha Mandera, Fedrick Shisia iyo Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa iyagana xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay 2 Sarkaal, laguna dhaawacay dhowr kale.

Weerarka maanta lagu dilay Saraakiisha ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow deegaan labo isbuuc ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenya, laguna dhaawacay labo kale.

Dhinaca kale, Taliska Boliska Kenya waxay bilowgii Toddobaadkan ka digeen inay Alshabaab kordhin doonaan weeraradda ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, iyadoo la sheegay inay Boqolaal dagaalyahan ku sugan yihiin Mandera iyo Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

©Radio Dalsan     

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories