HomeWararAbuuris Ilaah: Mataano isku dhegan oo leh labo madax, Labo Gacan, Labo...

Abuuris Ilaah: Mataano isku dhegan oo leh labo madax, Labo Gacan, Labo Lugo iyo Hal Wadne.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Isbitaalka Takhasusiga ee Shabeen oo ku yaalla Degmadda Alkoom ee Gobalka Meaofia ee dalka Masar waxaa dhawaan ku dhashay Mataano isku dhegan, kuwaasi oo leh 2 madax, 2 gacan, 2 lug, balse waxay wadaagaan 1 Wadne. Hooyadda Dhashay Ilmahaasi oo lagu magacaabo Ridaa C/qani Albaqdaadi waxaa la sheegay inay xaalladeeda caafimaad wanaagsan tahay. Aabaha dhalay […]

- Advertisement -

Isbitaalka Takhasusiga ee Shabeen oo ku yaalla Degmadda Alkoom ee Gobalka Meaofia ee dalka Masar waxaa dhawaan ku dhashay Mataano isku dhegan, kuwaasi oo leh 2 madax, 2 gacan, 2 lug, balse waxay wadaagaan 1 Wadne.

MATAANO 2Hooyadda Dhashay Ilmahaasi oo lagu magacaabo Ridaa C/qani Albaqdaadi waxaa la sheegay inay xaalladeeda caafimaad wanaagsan tahay.

- Advertisement -

Aabaha dhalay Mataanahaasi oo lagu magacaabo Baasim Cabaas waxa uu sheegay inaan Ilaahay uga wada mahadcelinayo Xaal kasta, wuxuuna xusay inuu 7 bilood ka hor ogaa inay xaaskiisu leedahay Uur ay ku jiraan ilmo mataano ah oo  isku dhegan.

Waxa uu tilmaamay inuusan warkaasi u sheegin Xaaskiisa,  isagoo ka baqay inay nolosheeda khatar gasho.

Wasiirka Caafimaadka ee Masar, ayaa amray in Ilmaha Mataanaha loo wareejiyo Isbitaalka Takhasusuiga ee Abu Riish oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

- Advertisement -

MATAANO ISKU DHEGANMataanaha iyo waalidkooda waxaa lagu qaaday Gaari Ambalaas aad u casriyeysan, waxaana Mataanihii haatan lagu daryeelayaa Isbitaalka Takhasusiga ee Riish ee magaalladda Qaahira.

Dhaakhaatiirta ayaa la filayaa inay ka baaraan-degaan sidii Malaatanaha loo kala waaxi lahaa, waxaana socota Baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo qaabka uu u shaqeynayo Hab-dhiska Jirkooda.

Carruurtaasi ayaa la sheegay inay hal Wadne iyo Hal calool wadaagaan.

Waa Ilmihii Labaad ee noocaasi ah oo ku dhasha Isbitaalka Takhasusiga ee  Shakiim Alkoom.

Bishii September 26-dii ee sannadkan waxaa Isbitaalkaasi ku dhashay ilmo mataano leh 2 madax, 4 gacan, 1 Wadne iyo 2 lugood.

MATAANO HORE

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan

Latest stories