HomeWararNinkii ugu cayilnaa Caalamka oo ku geeriyooday  da'da 38 jirka.

Ninkii ugu cayilnaa Caalamka oo ku geeriyooday  da’da 38 jirka.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Andres Morena oo u dhashay dalka Mexico oo ahaa ninka ugu buuran Caalamka, waxa uu gabay inuu socdo. Waxaa la sheegay inuu shalay u geeriyooday Wadno-xanuun, iyadoo uu culayskiisu ahaa 445 Kiilogaram. Andres Morena waxa uu ku noolaa Degmadda Ciudad Obergon ee Gobalka Sonora ee W/galbeed Mexico. Bishii October ee la soo dhaafay ayaa qaliin lagu […]

- Advertisement -

Andres Morena oo u dhashay dalka Mexico oo ahaa ninka ugu buuran Caalamka, waxa uu gabay inuu socdo.

Waxaa la sheegay inuu shalay u geeriyooday Wadno-xanuun, iyadoo uu culayskiisu ahaa 445 Kiilogaram.

- Advertisement -

Andres Morena waxa uu ku noolaa Degmadda Ciudad Obergon ee Gobalka Sonora ee W/galbeed Mexico.

Bishii October ee la soo dhaafay ayaa qaliin lagu sameeyo, si looga yareeyo baruurta badan iyo xulusta, wuxuuna qabay cuddurka Macaanka.

Andres Morena inta uusan geeriyoonin waxa uu ka hadlay Hamigiisa uu ku doonayey inuu ku helo gabar uu saaxiib la noqdo, si uu u guursado marka uu kazoo baxay qaliin la qorsheynayey in looga yareeyo Baruurta badan.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu rajeynayey inuu asaaso Urur caawiya dadka ugu caylka badan Caalanka, si dib loogu qaabeeyo.

Andres Morena waxa uu ku noolaa Degmadda Ciudad Obergon ee Gobalka Sonora ee W/galbeed Mexico.

Akhbaarta geeridiisa waxaa Facebook-giisa ku shaaciyey Ehelkiisa.

“Waxaan lumiyey Xaaskayga, oo la noolayd muddo 3 saanno ah, balse wey iga tagtay waayo aad baan u cayilay” ayuu isku samir siin jirey Andres Morena

Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu bishi ihore u soo diray Andres Morena Funnaanad ay ku saxiixan tahay Real Madrid.

Akhbaarta geeridiisa waxaa Facebook-giisa ku shaaciyey Ehelkiisa.

Dhinaca kale, Ninkii kale ee ugu cayilnaa Caalamka waxa la oran jirey Manuel Uribe, waxa uu isagana u dhashay dalka Mexico, wuxuuna geeriyooday sannadkii hore isagoo 48 jir ah.

Sidoo kale, Ninka ugu cayilnaa dalka Britain waxaa la oran jirey Carl Thompson, wuxuuna geriyooday bishii June ee sannadkan, hal bil kadib, markii uu codsaday in loo gargaaro.      

cayil 00 cayil 2

cayil 1

©Radio Dalsan      

Latest stories