HomeWararMaraykanka oo ku baaqay in la sii daayo Hoggaamiyaha Mucaaradka Jabuuti.

Maraykanka oo ku baaqay in la sii daayo Hoggaamiyaha Mucaaradka Jabuuti.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Hadal Qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu cambaareeyey qalalaasihii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana Dowladda Jabuuti loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ee weli xiran.

Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Maraykanka ku boorinayso Dowladda Jabuuti inay xushmeeyaan Xuquuqda Muwaadiniintooda ee Xorriyadda Hadalka iyo Dibadbaxyadda Nabadda.

Maraykanka waxay ku booriyeen Dowladda iyo Mucaaradka Jabuuti inay wada-xaajood nabadeed ku xaliyaan Khilaafkooda iyo inay ka wada shaqeeyaan sidii ay Doorashadda Madaxtinimadda oo nabad leh oo ee sannadka soo socda ka dhaca dalkaasi.

Djibouti's opposition leader Ahmed Youssouf,Dhinaca kale, Saraakiisha Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen inay 19 qof ku geeriyootay iska horimaadkii dhacay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, lana dhaawacay dad badan oo uu ku jiro Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaradka “Union for National Salvation party”, Axmed Yuusuf.

Dalka Jabuuti waxaa ku yaalla Saldhigyo Milliteri oo ay joogaan Ciiddamo u kala dhashay dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo Japan, waxaana Saldhigyadaaasi laga taageeraa Hawlgalka AMISOM iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda.

©Dadweyne Media       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories