HomeWararShiinaha oo Teendhooyin ugu deeqday Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Shiinaha oo Teendhooyin ugu deeqday Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga Kenya, waxa u ushalay Dowladda Kenya ku wareejiyey deeq loogu talagalay in lagu hagaajiyo xaalladda Nololeed ee Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xerooyinka Dhadhaab iyo Dhagaxleey ee W/bari Kenya. Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay Deeqdan ka kooban tahay 5,800 oo Teendhooyinka waa […]

- Advertisement -

Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga Kenya, waxa u ushalay Dowladda Kenya ku wareejiyey deeq loogu talagalay in lagu hagaajiyo xaalladda Nololeed ee Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xerooyinka Dhadhaab iyo Dhagaxleey ee W/bari Kenya.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay Deeqdan ka kooban tahay 5,800 oo Teendhooyinka waa weyn ee loogu talagalay in gabaad looga dhigto Qorraxda iyo Qabowga.

- Advertisement -

Safiirka waxa uu sheegay in Deeqdan timid, kadib, markii uu Ra’isul-wasaraaha Shiinaha uu bishii May ee sannadkii hore booqasho ku yimid Kenya, isla markaana uu ballan-qaaday inuu taageero u fidinayo Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya.

Dhinaca kale, Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa haatan ku nool ku-dhawaad 350,000 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo in ka badan 20-sanno ku noolaa Xeradaasi.

Waxaana la sheegayaa inay Xeraddaasi tahay tan ugu ballaaran Caalamka ee lagu xannaaneeyo dadka Qaxootiga ah.

- Advertisement -

©Radio Dalsan      

Latest stories