HomeWararMadaxweynaha oo xalay ku hoyday Beled-weyne, maantana kulamo la leh Reer Hiiraan.

Madaxweynaha oo xalay ku hoyday Beled-weyne, maantana kulamo la leh Reer Hiiraan.

Date:

Related stories

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay ku hoyday magaalladda Beled-weyne oo uu shalay gaaray. Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan Madax ka kala tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale waxa maanta u qorsheysan inuu Kulamo kala gaar ah la yeesho Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, Siyaasiyiinta iyo Taliska Ciiddanka AMISOM. Madaxweyne Xasan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay ku hoyday magaalladda Beled-weyne oo uu shalay gaaray.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan Madax ka kala tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale waxa maanta u qorsheysan inuu Kulamo kala gaar ah la yeesho Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, Siyaasiyiinta iyo Taliska Ciiddanka AMISOM.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan oo shalay la hadlay Reer Hiiraan waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan oo ay isaga iyo Wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Dhinaca kale, Booqashadda Madaxweynaha ayaa ku salaysan sidii uu Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxda Gobalka Hiiraan uga hadli lahaa qorshaha Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha waxa uu ku iclaamiyey in Shirkaasi lagu qaban doono magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar, isla markaana Degmadda Buulo-burde tahay Caasimadda KMG ee Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Odayaasha Reer Hiiraan ayaa ka hadlay Bareerahooda ku aadan Kulankaasi, waxayna saluugeen in gogosha la dhigo magaalladda Jowhar.

©Radio Dalsan       

Latest stories