HomeWararWareegto: Buulo-burde oo noqonaysa Caasimadda KMG ee Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Wareegto: Buulo-burde oo noqonaysa Caasimadda KMG ee Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bishan December 19-dii saxiixay Wareegto lagu magacaabayo Madasha lagu qabanayo Shirka Maamul-u-samaynta ee Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Caasimadda Maamulkaasi. Wareegtadda Madaxweynaha waxay u qornayd sidatan:- MADAXWAYNAHA J.F.S Markuu Arkay: Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S. Markuu Arkay: […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bishan December 19-dii saxiixay Wareegto lagu magacaabayo Madasha lagu qabanayo Shirka Maamul-u-samaynta ee Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Caasimadda Maamulkaasi.

Wareegtadda Madaxweynaha waxay u qornayd sidatan:-

- Advertisement -

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu Arkay: Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay: Sharci Lr. 116 ee soo baxay Agosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka

- Advertisement -

Markuu Tixgaliyey: Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Markuu Garwaaqsaday:  In ay laga mamaamaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan.

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa uu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

 Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 Qodobka 3aad

Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

Qodobka 4aad

Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabicidoonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

 

 

 

Latest stories