HomeWararTaliyaha Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay dhigiisa dalka Australia.

Taliyaha Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay dhigiisa dalka Australia.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciiddanka Asluubta iyo Xabsiyadda Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha Calaamiga ee Arrimaha Xabsiyadda oo haatan ka socda magaalladda Cambera ee dalka Australia. In ka badan 130 Taliyayaal ka kala socda dalalka Caalamka ayaana isugu yimid kulankaasi, oo diiradda lagu saarayo Xaalladda Maxaabiista, Wanaajinta qolalka lagu xiro iyo in Maxaabiista la […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Asluubta iyo Xabsiyadda Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha Calaamiga ee Arrimaha Xabsiyadda oo haatan ka socda magaalladda Cambera ee dalka Australia.

In ka badan 130 Taliyayaal ka kala socda dalalka Caalamka ayaana isugu yimid kulankaasi, oo diiradda lagu saarayo Xaalladda Maxaabiista, Wanaajinta qolalka lagu xiro iyo in Maxaabiista la baro Xirfado ay ku shaqeysan karaan, gaar ahaan Farsamadda Faryaamadda ama Nijaarka, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Adeegga Guud. Taliyayaasha waxay is-weydaarsanayaan Khibradaha Horumarinta Nolosha Maxaabiista, Xoojinta Sharciga iyo in la tayeeyo Nidaamka Maamulka ee Xabsiyadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Asluubta iyo Xabsiyadda Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Kulamo kala gaar ah la yeeshay dhigiisa dalalka Australia, Japan iyo Jarmalka oo uu kala hadlay  Isdhaafsiga Khibradaha, Tababarka Ciiddanka Ausluubta iyo Horumarinta Xaalladaha Xabsiyadda Somalia.

©Radio Dalsan               

Latest stories