HomeWarar(DAAWO SAWIRADA): Madaxweynaha oo booqasho hawleed ku tegay Beled-weyne.

(DAAWO SAWIRADA): Madaxweynaha oo booqasho hawleed ku tegay Beled-weyne.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimaddii maanta gaaray magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beledweyne, wuxuuna Kulamo la yeelan doonaa Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Gobalka Hiiraan.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehiya Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobalkaasi, C/fataax Xasan Afrax.

Madaxweynaha waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalladda Beled-weyne, iyadoo aysan u kala harin Madaxda Gobalka, Odayaasha Dhaqanka iyo Dadweynaha Reer Hiiraan.

Ammaanka guud ee magaalladda Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana halkaasi gaaray Boqolaal Ciiddan oo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Booqashadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay hal maalin kadib, markii uu Wareegto ka soo saaray Degmadda marti-gelinayso Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Caasimadda KMG ee Maamulkaasi la dhisayo.

Wareegtadda ayaa lagu xusay in ay magaalladda Jowhar marti-gelinayso Shirkaasi,  iyo Degmadda Buulo-burde noqon doonto Caasimadda KMG ee Maamulka cusub ee ay dhisan doonaan Beelaha wada deggan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

BW20 BW14 BW13 BW12 BW11 BW10 BW9 BW8 BW7 BW6 BW5 BW4 BW3 BW2 BW1

 

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories