HomeWararDanjiraha Somalia u jooga Maraykanka oo sheegay inay wax ka qaban doonaan...

Danjiraha Somalia u jooga Maraykanka oo sheegay inay wax ka qaban doonaan Soomaalida ku xiran dalalka Caalamka

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Ku-xigeenkiisa, Taabit Maxamed Cabdi waxay Kulan Is-waraysi ah la yeesheen Jaalliyadda Soomaalida ku dhaqan caasimadda Maraykanka ee Washington.

Kulankaasi oo ay soo qabanqaabisay Ururka SSF ee ay ku mideysan yihiin Soomaalida ku nool Maraykanka ayey waxay xubnaha Jaalliyadda weydiiyeen Safiirka iyo Ku-xigeenkiisa Qorshaha Safaaradda ee sannadka soo socda iyo  doorka Safaaradda ee Dadaalka Dib-u-heshiisiinta

Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in Hiigsiga Safaaradda tahay sidii loo hagaajin lahaa Muuqaalka dalka Somalia ee Caalamka iyo sidii loo soo celin lahaa Maqaamka ay Somalia ku dhex lahayd Caalamka.

Danjiraha waxa uu garwaaqsaday doorka Dadweynaha, kuna tilmaamay codkooda mid Iskaashi iyo Dib-u-heshiisiineed, wuxuuna ku booriyey Dadweynaha inay ka hadlaan Nabad-dhisida, cambaareeyaan falalka colaadda, isla markaana tilmaamaan Ma-xishoodayaasha ka dambeeya falalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey Dadka Soomaalida ee ku xiran dalalka Caalamka, waxa uu Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay inuu dareensan yahay arrintaasi, isla markaana ay Safaaradda sida ugu suurtogalsan uga hadli doonto qaar ka mid ah Walaaca Soomaalida xiran ama kuwa weli la iska hayo.

Dhinaca kale, Xubnaha Jaalliyadda Soomaalida waxay Madaxda Safaaradda Somalia ee Maraykanka  ka codsadeen in loo sheego Jadwalka Shaqo ee Adeegyadda Qunsulliyadda Soomaalida, iyadoo Ku-xigeenka Safiirka, Taabit Maxamed Cabdi sheegin xilliga cayiman ee la furi doono Qunsulliyadda, balse waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso Asaaska Xooggan ee Safaaradda, kadibna Qunsuliyadda iyo in dib loo habeeyo sidii loo soo saari lahaa Baasabooradda ama Fiisaha ee looga baahan yahay Waqooyiga Amerika.

safaaradda 1

© Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories