HomeWararWAR DEGDEG AH: Qarax caawa ka dhacay Nairobi

WAR DEGDEG AH: Qarax caawa ka dhacay Nairobi

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Fiidnimaddii caawa ka dhacay gudaha gaari Bas (Matatu) oo ka dhex shaqeeya Deegaanka Umoja ee magaalladda Nairobi. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku gubteen faliiradda ka soo haadayey waxyaabihii qarxay. Baska uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Deegaanka Kayole. Goobjoogayaal ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Fiidnimaddii caawa ka dhacay gudaha gaari Bas (Matatu) oo ka dhex shaqeeya Deegaanka Umoja ee magaalladda Nairobi.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku gubteen faliiradda ka soo haadayey waxyaabihii qarxay.

- Advertisement -

Baska uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Deegaanka Kayole.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dab ka kacay Batariga Baska, ka hor intaysan maqlin qarax weyn.

Saraakiil kale ayaa sheegay inay suurtogl tahay inuu qof ka mid ah Rakaabka uu  Jirgaan uu Bansiin ka buuxay ku dhex watay Baska.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Nairobi, Japeth Koome waxa uu sheegay inaan weli la garanin waxa sababay qaraxaasi, iyadoo uu basku aad u gubtay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxaha baara qaraxyadda u direen goobtaasi, si ay u soo qiimeeyaan xaalladda.

Gawaarida Ambalaasta ayaa la arkayey iyagoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi  u sii daad-gureynayo Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts