HomeWararJeneral Shariif Shiikhuna Maye oo dirayo Hambalyadda 72-guuradda Asaaskii Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed

Jeneral Shariif Shiikhuna Maye oo dirayo Hambalyadda 72-guuradda Asaaskii Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray  ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay oo ku beegan maanta oo kale December 20 .

Sarreeye Gaas Shariif Sheekhuna oo fariintan gaarsiiyay dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed isagoo ku sugan dalka Sweden, ayaa warkiisa qoraalka ah waxa uu ku yiri “ Waxaan halmalyo qiimo leh u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha , Kormeerayaasha , Saraakiil xigeenka , Alifleyda ,Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , xaasaskooda iyo inta nabadda jecel” .

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa uu xusay in Boolisku uu ahaa saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee Qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada sare ee Alfardows dejiyo dhammaan geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga qaranka iyo difaaca muwaadinka Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye waxa uu tilmaamay in Boolisku yahay saaxiibka dhabta ah ee bulshada , una howlgalo u saldhiggidda ammaanka , deganaanshaha iyo cadaaladda , tusmooyinkaasina ay  halbowle u yihiin nolosha wanaagsan iyo horumarka joogtada ah .

Waxa uu yiri “ Xuska maanta oo kale waxa ay ii leedahay macna gaar ah , waxaa i tusineysaa sida aan ugu soo dhex barbaaray ciidanka iyo sida xilkasnimada leh ee aan u hogaamiyay, ciidanka Booliska Soomaaliyeed duruufaha adag ee uu ku shaqeynayay tan iyo qaran burburkii dalka , waxa ay muujineysaa dulqaadka  iyo halganka daacadda ah ee ay ugu jiraan soo celinta amniga iyo sharciga , waxa ay sharaf ku muteysteen nafhurnimada ay u sameynayaan amniga dalka , dadka  iyo hantidooda”.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “ Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa  gaashaanka dalka iyo awoodda maquunisa dambiilayaasha , kuwa dhagarta maleega iyo kuwa ku xadgudba sharciga”.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxa uu ku soo gunaanuday fariintiisa hambalyada ah “ Ciidanka Boolisku waxa uu ku guuleystay soo celinta deganaanshaha Magaalooyin badan oo dalka ah oo ay ugu horeyso Muqdisho , taasina ay horseeday dib u dhiska dalka ,maalgashiga, wufuud heer caalami ah oo dalka soo booqatay iyo inay korodho Safaraadaha iyo Ergada Shisheeye ee Xarumaha ku yeelanaya Caasimadda.

©Radio Dalsan      

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories