HomeWarar(Faahfaahin): Diyaarad Air France oo ay la socdeen boqolaal qof oo laga...

(Faahfaahin): Diyaarad Air France oo ay la socdeen boqolaal qof oo laga dhex helay Bam

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Diyaarad rakaab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Air France ayaa degdeg u fariisatay Garoon ku yaalla Mombasa.

air france landing MombasaDiyaaradaasi oo ay la socdeen 459 Rakaab iyo 14 Shaqaale ayaa waxay ka soo ambabaxday Jesiiradda Mauritius, waxayna ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Charles de Gaulle ee magaalladda Paris.

Mid ka mid ah Rakaabka ayaa u sheegay Duuliyaha inuu Bam saaran yahay Diyaaradda, wuxuuna Duuliyihii Diyaaradda si degdeg ah Diyaaradda uga dejiyey Garoonka Moi International Airport ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in Bam laga dhex helay mid ka mid ah musqulaha Diyaaraddaasi.

Waxa u usheegay in dhamaan Rakaabkii laga wada dejiyey Diyaaradda, isla markaana ay bad qabaan.

Wararku waxay sheegayaan inay Saraakiisha Ammaanka Kenya xireen labo ka mid ah rakaabka, oo looga shakisan yahay inay wax ka og yihiin Bamka lagu soo qariyey Diyaaradda.

Khubaradda ku takhasustay Miinooyinka oo ka socotay Ciiddanka Badda ee Kenya ayaa la sheegay inay soo bixiyeen Bamka, isla markaana ay baarayaan.

Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay inay Khubaradda bam ka heleen Suuliga Diyaaradda Air Farance oo uu Duulimaadka Namberkeeda (Flight Number)-keedu yahay 463.

Diyaaraddaasi oo nooceedu yahay Boeing 777 waxay Garoonka Mombasa soo caga-dhigatay 12:37 daqiiqo ee saqdii dhexe ee xalay ee Waqtiga Afrikada Bari (East Africa Time).

Dhamaan rakaabka la socday Diyaaradaasi  iyo shandadahooda ayaa la mariyey Baaritaan (Screened), waxaana la dejiyey Hotel, kadib, markii loo fidiyey Daryeel iyo La-talin, si loogu niyad qaboojiyo Cabsida ay la kulmeen.

Dhinaca kale, Saraakiisha Garoonka Mombasa wey ka gaabsadeen inay Saxaafadda kala hadlaan arrintaasi, waxayna Diyaaradda weli ku sugan tahay Garoonka Moi International Airport ee magaalladda Mombasa.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories