HomeWararDhowr ka tirsan Rakaabkii la socday Diyaarad Air France oo weli la...

Dhowr ka tirsan Rakaabkii la socday Diyaarad Air France oo weli la baarayo.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inay weli su’aalo weydiinayaan 6 ka mid ah Rakaabkii la socday Diyaaradii Air France ee ku degtay Garoonka Mombasa.

Sarkaalkaasi oo aan faasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo ayaa tilmaamay in rakaabka la baarayo ku jiro Ninkii soo sheegay inuu Bam dhex yaallo mid ka mid ah musqulaha Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 777.

Ninkaasi waxa uu Duuliyihii Diyaaradda u sheegay inuu musqusha ku soo arkay wax ula muuqday saacad ku dhex jirta sanduuq yar.

Mid ka mid ah Rakaabka oo  Saxaafadda kula hadlay GaroonkaMombasa waxa uu sheegay inuusan fahmin waxay sheegayaan, wuxuuna sii raaciyey inuu Adduunkan yahay wax laga argagaxo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa isagana u sheegay Saxaafadda in tiro yar oo ka mid ah Rakaabka Diyaaradda wax la weydiinayo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Kenya, Farancee iyo Mauritius iska kaashanayaan baaritaanka Dhacdadaasi.

Diyaaradda Air France oo ay la socdeen in ka badan 473 Rakaab waxay ku sii jeeday magaalladda Paris, ka hor intaysan si degdeg ah u soo caga-dhiganin Garoonka Moi International Airport ee magaalladda Mombasa.

Diyaaradaasi oo nooceedu yahay Boeing 777 waxay weli taagan tahay Garoonkaasi, iyadoo lagu samaynayo baaritaan dhamaystiran.

Rakaabkii Diyaaradda waxaala dejiyey dhowr Hotel oo ku yaalla Mombasa, waxayna sugayaan Diyaarad kale oo u qaadi doonta magaalladda Paris.

MOMBASA AIRPORT 1 MOMBASA AIRPORT 2

© Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories