HomeWararUNHCR oo ka hadashay Qaxootiga Soomaalida ee Cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Dhadhaab.

UNHCR oo ka hadashay Qaxootiga Soomaalida ee Cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Dhadhaab.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga uga wakiilka ah Kenya, Duke Mawanja ayaa sheegay inay Hay’adda UNHCR ka shaqeynayso sidii loo kontorooli lahaa Cuddurkaasi oo ay ilaa iyo haatan u geeriyoodeen 7 qof oo Soomaali ah. Afhayeenka oo la hadlayey Wargeyska Maalinlaha ee Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu xusay […]

- Advertisement -

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga uga wakiilka ah Kenya, Duke Mawanja ayaa sheegay inay Hay’adda UNHCR ka shaqeynayso sidii loo kontorooli lahaa Cuddurkaasi oo ay ilaa iyo haatan u geeriyoodeen 7 qof oo Soomaali ah.

Afhayeenka oo la hadlayey Wargeyska Maalinlaha ee Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu xusay in ay xaalladda liidata ee Faya-dhowrka Xeradda u sabab tahay inuu cuddurkaasi dillaaco iyo Roobabkii El-nino ee ka da’ay Xerooyinka W/bari Kenya.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inaysan Musqulaha ku yaalla Xeradda ku filnayn Qaxootiga, wuxuuna cabasho ka muujiyey Taageeraddii Beesha Caalamka ee Qaxootiga oo aad u yaraatay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF ka digeen khatarta ka dhaalan karta haddii uu Cuddurka Koleeraha ku sii faafo dadka Qaxootiga, iyadoo la sheegay in 541-Bukaan lagu daaweynayo Isbitaalladda MSF ku leedahay Xerooyinka Dhadhaab iyo Xagar-dheer.

© Radio Dalsan       

Latest stories