HomeWararQaxooti Soomaali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xero ku taalla Kenya.

Qaxooti Soomaali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xero ku taalla Kenya.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

7 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurka Daacuunka ugu geeriyoodeen Xeradda Dhagaxley, iyadoo 541-kalena la xanuunsan yihiin Cuddurkaasi Saf-mareenka ah. Madaxa Ergadda Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF u jooga dalka Kenya, Charles Gaudry ayaa sheegay in ku-dhawaad 30% dadka uu soo ritay cuddurkaasi yihiin carruur ay da’dooda ka hooseyso 12-jir. Roobab Mahiigaan ah […]

- Advertisement -

7 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurka Daacuunka ugu geeriyoodeen Xeradda Dhagaxley, iyadoo 541-kalena la xanuunsan yihiin Cuddurkaasi Saf-mareenka ah.

Madaxa Ergadda Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF u jooga dalka Kenya, Charles Gaudry ayaa sheegay in ku-dhawaad 30% dadka uu soo ritay cuddurkaasi yihiin carruur ay da’dooda ka hooseyso 12-jir.

- Advertisement -

Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Xerooyinka Xagar-dheere iyo Dhadhaab iyo Nadaafad-xumida jirta ayaana loo aanaynayaa inuu cuddurka Koleeraha ka dillaaco.

Charles Gaudry  waxa kaloo uu sheegay inaysan jirin Maalgelin Waqtiga dheer ee Adeegyadda Caafimaadka iyo Faya-dhowrka ee Xerooyinka Qaxootiga.

Isbitaalladda ayaa la sheegay inay buux dhaafiyeen carruur uu ku dhacay Daacuun Caloolaha iyo kuwo ay hayso Nafaqo la’aan.

- Advertisement -

Bishii November ee la soo dhaafay 23-dii ayaa waxaa si rasmi ahaan loo  caddeeyey inuu cuddurka Koleeraha ka dilaacay Xeradda Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo Qaxooti u badan Soomaali.

© Radio Dalsan

Latest stories