HomeWararMid ka mid ah Hooyooyinka dhashay gabdhihii Soomaaliyeed ee lagu la’ yahay...

Mid ka mid ah Hooyooyinka dhashay gabdhihii Soomaaliyeed ee lagu la’ yahay Britain oo sheegtay inaysan gabdhaha ku biirin Daacish.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Iyadoo ay Boliska Britain shaaciyeen in ay baadi-goobayaan 3 gabdho Somali ah oo la la’aa tan iyo bilowgii bishan ayaa waxaa hadashay mid ka mid ah Hooyooyinka dhalay gabdhahaasi. Hooyadaasi oo lagu magacaabo Layla Saalax oo ku nool Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London ayaa u sheegtay Wargeyska The Daily Mail ku sheegtay inaysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Boliska Britain shaaciyeen in ay baadi-goobayaan 3 gabdho Somali ah oo la la’aa tan iyo bilowgii bishan ayaa waxaa hadashay mid ka mid ah Hooyooyinka dhalay gabdhahaasi.

Hooyadaasi oo lagu magacaabo Layla Saalax oo ku nool Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London ayaa u sheegtay Wargeyska The Daily Mail ku sheegtay inaysan filaynin inay gabdhahaasi u dhoofeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

- Advertisement -

“Kama baqanayo in gabdhaha Xag-jir noqdeen, ma aysan  qaadanin Baasabooradooda, waxaana rajeynayaa inay si ugu dhaqsaha badan ku soo laaban doonaan” ayey tiri Hooyo Layla.

Saddexda gabdhood ee la la’ yahay ayaa lagu kala magacaabaa: Cabir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Salaax oo 15-jir ah iyo  Fardowsa Xasan oo 13-jir ah.

Boliska Britain waxay tilmaameen in Cabir Salaax iyo Fardowsa Xasan la waayey bishan December 6-dii, halka Axlaam Saalax iyadana la waayey bishan December 12-dii.

- Advertisement -

Sidoo kale, Boliska ayaa rumeysan inaysan gabdhahaasi ka dhoofeen Britain,  balse laga yaabo inay dhex seexdaan Basaska ama goobaha kale ee gaadiidkalaga raaco.

gabdho 1111

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts