HomeWararMadaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadley tayeynta wada shaqeynta...

Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadley tayeynta wada shaqeynta AMISOM iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira. Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.

Danjire Madeira oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horayn Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dlamini Zuma, waxaana uu ballanqaaday inuu meesha ka sii wadi doono hawlaha muhiimka ee AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday.

- Advertisement -

AU

AU 2 AU3 AU1

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories