HomeWararMidowga Europe oo soo bandhigay Kharajka lagu taageerayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee iskooda...

Midowga Europe oo soo bandhigay Kharajka lagu taageerayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee iskooda u soo laabanayo.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Golaha Europe ayaa  shaaciyey 16 qorshe shaqo oo ay ku kacayso lacag dhan 253 million oo Euro oo u dhiganta 327 million oo Dollar, waxaana miisaaniyadaasi loogu talagalay in lagu xidid siibo sababaha keenayo inay dadka ka soo tahriibaan ama xoog looga soo saaro dalalka Geeska Afrika. Yabooha Kharajkaasi ayaa waxa uu ku salaysan yahay […]

- Advertisement -

Golaha Europe ayaa  shaaciyey 16 qorshe shaqo oo ay ku kacayso lacag dhan 253 million oo Euro oo u dhiganta 327 million oo Dollar, waxaana miisaaniyadaasi loogu talagalay in lagu xidid siibo sababaha keenayo inay dadka ka soo tahriibaan ama xoog looga soo saaro dalalka Geeska Afrika.

Yabooha Kharajkaasi ayaa waxa uu ku salaysan yahay Heshiiskii ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe dhawaan ku gaareen caasimadda Jesiiradda Malta ee La Valletta.

- Advertisement -

War-qoraal oo ka soo baxay Madaxa Golaha Europe ayaa lagu sheegay inuu qorshuhu qeyb ka yahay shaqo-abuurka iyo talada la siinayo dadka Dhallinyaradada ee ku nool dalalka GeeskaAfrika oo kala ah Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo Eritrea

Qorshaha waxaa kaloo ka mid ah dadaalka Shaqo-abuurka iyo xaalladda wanaagsan ee Nolosha ee deegaanadda Somalia ee ay Deganaanshaha ka jiro iyo in Tas-hiilaad loo fidiyo Qaxootiga doonaya inay soo laabtaan ee ku sugan Gobalka ama kuwa ku nool Qaaradda Europe.

Lacagaha EU-da ee Xal-u-heslita Arrimaha Tahriibka ayaa waxaa Somalia loo qoondeeyey lacag dhan 50-million oo Euro, taasi oo ah Mashruuc looga dan leeyahay in lagu taageero Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xeryaha Qaxootiga ee Kenya, kuwa ka soo cararay dagaalka Yeman iyo kuwa kale ee jooga Europe ee iskooda u go’aansada inay ku soo laabtaan Goballadda deganaanshaha leh ee Somalia.

- Advertisement -

Waxaa loogu talagalay in loo abuuro Deegaan wanaagsan oo lagu soo laaban karo oo leh horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo Adeegyadda Asaasiga.

Qoraalka ka soo baxay EU-da waxaa lagu sheegay in bilowga sannadka soo socda ee 2016-ka la bilaabi doono Xaqiijinta Qorshaha Shaqo ee meelmarinta arrimahaasi..

 ©Radio Dalsan       

 

Latest stories