HomeWararKenya oo sheegtay in gaadiidkii ay Alshabaab qabsadeen loo soo gudbiyey Somalia.

Kenya oo sheegtay in gaadiidkii ay Alshabaab qabsadeen loo soo gudbiyey Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay ku raad-joogaan gaadiid ay Alshabaab xalay ku soo qabsadeen Hawl ay ka sameeyeen duleedka magaalladda Xeebta leh ee Lamu. Ciiddanka waxay sheegeen inay Alshabaab la soo baxsadeen Labo gaari oo mid uu Bolisku lahaa, waxayna soo bandhigeen Taarikadda Gaadiidkaasi. Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Francis Wanjohi ayaa u sheegay Wakaalladda […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay ku raad-joogaan gaadiid ay Alshabaab xalay ku soo qabsadeen Hawl ay ka sameeyeen duleedka magaalladda Xeebta leh ee Lamu.

Ciiddanka waxay sheegeen inay Alshabaab la soo baxsadeen Labo gaari oo mid uu Bolisku lahaa, waxayna soo bandhigeen Taarikadda Gaadiidkaasi.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Francis Wanjohi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA in muuqaalo uu soo gudbiyey Dayax-gacmeedka muujinayo in Gaariga Boliska Kenya lahaayeen lagala gudbay Xuduudka Kenya la wadaagaan Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay la xiriireen Ciiddanka Kenya ee Saldhigga ku leh Deegaanadda Manda iyo Kiunga si ay gacan uga geysteen baacsiga gaadiidkaasi.

“Waxaan tuhunsanahay inay Alshabaab kaxeysteen gaadiidkaasi” ayuu yiri Wanjohi.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in la dhacay Taarikooyinka Gaadiidka Diplomaasiyiinta, lagana cabsi qabo inay Alshabaab u adeegsdaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

© Radio Dalsan 

Latest stories