HomeWararAlshabaab oo la sheegay inay dileen dhowr Kenyaan ah iyo inay la...

Alshabaab oo la sheegay inay dileen dhowr Kenyaan ah iyo inay la wareegeen Shixnad Daawo ah.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

2-qof ayaa lagu dilay Deegaanka Milihoy ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya, kadib, markii rag hubeysan oo lala xiriirinayo Alshabaab weerareen gaari waday Shixnad Daawo ah.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inuu Weerarkaasi dhacay 6-dii maqribnimo ee shalay, waxaana la sheegay inay Alshabaab qaateen Shixnadii Daawadda, ka hor intaysan gubin gaarigaasi oo  ku sii jeeday Deegaanka Mpeketoni.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay Alshabaab dhaawaceen Dareewal kale, oo ay gaarigiisa ku rarteen Shixnaddii Daawadda.

Wargeyska ayaa Goobjoogayaal ka soo xigtay inay Alshabaab gaarigii la galeen gudaha Dhulka Kaymaha ee Boni Forest, halkaasi oo ay Fariisimo xooggan ku leeyihiin Kooxda Jeysh Ayman ee ka tirsan Alshabaab.

Dhinaca kale, Basaskii ku sii jeeday magaallooyinka Lamu ama Mombasa ayaa la sheegay in loo weeciyey Deegaannadda Mokowe iyo Mpeketoni, sababo dhinaca Ammaanka.

Weerarka Alshabaab ka geysteen Laamu ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissary ku tilmaamay Deegaanka Kaymaha Boni inay noqotay meel halaq-galeen ah.

Wareegto uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu Hawlgalkii ay Ciiddanka ka wadeen Boni Forest cusbooneysiiyey muddo 3-bilood ah, si loo soo celiyo Ammaanka Deegaankaasi.

©Radio Dalsan    

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories