HomeWararFarriin Furan: Hoggaamiyayaal , Danaha Qaranka waa Lama Huraan !!!

Farriin Furan: Hoggaamiyayaal , Danaha Qaranka waa Lama Huraan !!!

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan  waxaa u tagaan dhegaha, waxay naawilayaan Natiijadda ka soo bixi karta Wada-Tashiga Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedka, kuwaasi oo la sheegayo inay isku mari la’ yihiin Nidaamka Doorashadda iyo Dowladda Cusub ee la dooran doono bisha August ee sannadka soo socda. Madal kasta waxay qeybaha Bulshadda hadal-hayaan  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan  waxaa u tagaan dhegaha, waxay naawilayaan Natiijadda ka soo bixi karta Wada-Tashiga Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedka, kuwaasi oo la sheegayo inay isku mari la’ yihiin Nidaamka Doorashadda iyo Dowladda Cusub ee la dooran doono bisha August ee sannadka soo socda.

Madal kasta waxay qeybaha Bulshadda hadal-hayaan  Kulanka Madaxda iyo sababaha dib u dhigayo inay Cod Mideysan ku shaaciyaan Dhabaha ay ku hogaamin doonaan Ummadda.

- Advertisement -

Waa xaqiiqo inay jiraan Khilaaf-hoosaad sal-ballaaran, oo ay Madaxdu isku maan-diidsan yihiin, waxaana suurtogal ah inuu Shirkooda ku dhamaado Go’aan la’aan horseedi karta in ay Madal kale ku ballamaan.

Caqli-siyaasadeed iyo Waxgaradnimo Hoggaamineed ayaa looga fadhiyaa inay Madaxda Tal-wadaag ku heshiiyaan, waana ayaan-darro haddii Hoggaamiyayaasha laga dareemayo Ifaafaalo Hoggaamiye-kooxeednimo oo kale.

Loolan hoose, Ficiltan, Saluug iyo Isbaaro Siyaasadeed ayaana laga dheehan kara waxa seeto-dheereynayo Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda shirayso u muuqdaan Labo Koox oo uu ka dhexeeyo Loolan Xarig-jiid Siyaasadeed, oo ay Koox kasta muujinayso Muruq-sheegasho Siyaasadeed.

Xaqiiq ahaan, La-tashiga nooca Doorashadda iyo Dowladda la dhisayo  waa Qoddob iska muuqda, haddii aan laga meermeeraynin Mustaqbalka Guud iyo Danaha Qaranka.

Mas’uuliyiinta waxaa ku habboon inay ku xisaabtamaan Mas’uuliyadda ay hayaan, oo aysan Mas’uuliyadda ka dhiganin Qalab ay ku gorgortamaan ama ay Isbaaro ugu dhigtaan Geed-socodka iyo Hiigsiga Dib-u-yegleelka Dowladnimo.

Diplomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa farta ku goday Halbeegga Dareenka Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia, waxayna tilmaameen inaysan Madaxda Xilligan ku Aragti iyo Garaad ahayn Hoggaamiyayaashii Dowladihii hore ee Waayaha Adag  ku soo turunturooday.

Khilaafkii Hoggaamiyayaashii Kooxaha ee la saan-qaaday Dowladdii KMG  ee  uu Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa la qiri karaa inay Tanaasul buuxa u sameeyen Danaha Qaranka, isla markaana ay kaalintooda ka qaateen Dib-u-dhiska Nidaamka Dowladnimo ee naga wada burburay sannadka 1991-kii.

Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxaa habboon inay meel iska dhigaan Ficiltanka Siyaasadeed, Gorgortanka, Isbaaradda iyo Waqti-lumiska Ummadda, oo iyagu horey u soo maray 20-sanno oo Colaado iyo dib-u-dhac Nololeed, Horumar iyo Mustaqbal Dowladeed.

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts