HomeWararDowladda Federalka oo ku dhaliishay Dowladda Masar dhaqan-gelin la'aanta Heshiiskii Xoolaha loo...

Dowladda Federalka oo ku dhaliishay Dowladda Masar dhaqan-gelin la’aanta Heshiiskii Xoolaha loo iibgeyn lahaa dalkaasi.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Albalad ee ka soo baxa magaalladda Qaahira, Dowladda Federalka waxay qoraal cabasho ah u soo dirtay Dowladda Masar oo ku aadan inaysan Dowladda Masar dhinaceeda weli ka fulinin Heshiiskii ay  labada dal kala saxiixdeen bishii July ee sannadkan. Heshiikaasi oo ay wada saxiixeen Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha iyo Xannaanadda Xoolaha ee labada Waddan ayaa waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Albalad ee ka soo baxa magaalladda Qaahira, Dowladda Federalka waxay qoraal cabasho ah u soo dirtay Dowladda Masar oo ku aadan inaysan Dowladda Masar dhinaceeda weli ka fulinin Heshiiskii ay  labada dal kala saxiixdeen bishii July ee sannadkan.

Heshiikaasi oo ay wada saxiixeen Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha iyo Xannaanadda Xoolaha ee labada Waddan ayaa waxa uu dhigayey inay Dowladda Masar bil kasta ka iibsadaan Somalia ugu yaraan 5,000 oo neef oo Ari ah, iyadoo qiimaha halkii neef lagu heshiiyey lacag dhan 50 Giniga Masar.

- Advertisement -

Qoraalka Xukuumadda Federalka Somalia ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado tahay inay Dowladda Masar ka gaabisay in Xoolaha Somalia loo iib-geeyo Masar.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda Masar ugu qaabilsan Xoolaha laga soo iibiyo Qaaradda Afrika, Xasan Xaafid ayaa sheegay inay sababo farsamo loo dhaqan-gelin waayey, wuxuuna ku eedeeyey Wasaaradda Beeraha ee Masar inay ka gaabisay  Fulinta Heshiiskaasi.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Hay’adda Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha Masar weli ka sugayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar Fasaxa Dhakhaatiirta dhinaca Xoolaha ee loogu diri lahaa Somalia, si ay u soo hubiyaan caafimaadka Xoolaha.

- Advertisement -

Heshiiskii ay Dowladaha Somalia iyo Masar kala saxiixdeen bishii July waxa kale oo uu ku qornaa inay Dowladda Masar dhowr Maxjarka Xoolaha ka dhisi doonaan Somalia, si loogu baaro Caafimaadka iyo Tayada Xoolaha loo dhoofinayo Masar.

Hilibka Xoolaha Somalia waxa la sheegay inuu aad uga tayo sarreeya Hilibka Xoolaha kale ee loo iib-geeyo dalka Masar iyo dalalka kale ee Carabta.

Khubaradda ayaa tilmaamay inay Somalia hodan ku tahay Xoolaha, kuna nool yihiin 800 million oo neef oo isugu jira Ari, Lo’ iyo Geel.

©Radio Dalsan        

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts