HomeWararWar-akhriye caan ah oo ka tirsanaa Telefishinka KTN oo geeriyooday.

War-akhriye caan ah oo ka tirsanaa Telefishinka KTN oo geeriyooday.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Allaha U Naxariistee, Axmed Darwiish oo ah Suxufi caan ah  oo ka shaqeyn jirey Telefishinka KTN ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Nairobi, kadib, markii uu si kedis ah u xanuunsaday. Marxuumka waxa uu keligiisa deganaa Dhismo ku yaalla Xaafadda South C ee magaalladda Nairobi. Saaxiibadiisa waxay sheegaan inuu qabay cuddurka Macaanka (Diabetes). Waxaa […]

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee, Axmed Darwiish oo ah Suxufi caan ah  oo ka shaqeyn jirey Telefishinka KTN ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Nairobi, kadib, markii uu si kedis ah u xanuunsaday.

Marxuumka waxa uu keligiisa deganaa Dhismo ku yaalla Xaafadda South C ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Saaxiibadiisa waxay sheegaan inuu qabay cuddurka Macaanka (Diabetes).

darwish 3Waxaa la sheegay inuu Marxuumka xalay ku qornaa inuu akhriyo Warkii Telefishinka KTN ee 7-dii Fiidnimo ee xalay.

Walaalkiisa, Khamiis Darwiish  ayaa Warkan Naxdinta leh ku shaaciyey Boggiisa Facebook.

- Advertisement -

Maydka Marxuumka ayaa la filayaa in loo duuliyo Mombasa, si loogu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo ee Mtopanga.

Marxuumka waxaa salaadda Janaasadda lagula tukanayaa Masjidka Memoom ee magaalladda Mombasa salaadda casir kadib, waxaana lagu aasi doonaa Qabuuraha Islaamka ee Kikowani Baadal Islamic Cemetery ee magaalladda Mombasa.

Guddoomiyaha Mombasa, Hassan Joho ayaa Farriinta Tacsida soo dhigay Bartiisa Facebook.

Sidoo kale, Saxafi Rug-caddaaga Kenya ee Yassin Juma ayaa ammaanay dadnimadda Weriyaha geeriyooday, wuxuuna Farriintiisa ku yiri: “Waxaad dhimatay horteenna, Ilaahay ha kuugu xafido halka uu wanaagu yaallo”.

Si kastaba ha ahaatee, Malaayiinta Daawadayaasha KTN waxay xusuusan doonaan Hal-ku-dhegga uu caanka ku ahaa marka uu akhrinayo  Warka The KTN Leo news bulletin.

Waxaana uu ku caan ahaa inuu ku furo Erayaddan: “….. Ni furaha ilioje mpenzi mtazamaji tunapojiunga nawe papa hapa kwenye taarifa za ktn Leo wikendi…hujambo na Karibu…wanakkwetu wananiita  Ahmed Darwesh….. Kwanza tupate vidokezo….”

Sidoo kale, Axmed Darwiish waxa uu ahaa Columnist wax ku qora Wargeyska The Nairobian.

Allaha U Naxariisto, War-akhriye Axmed Darwiish oo ka tirsanaa Telefishinka Kenya ee KTN.
inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

    

Latest stories