HomeWararMaxkamad ku taalla Gambia oo xukun ku riday Somali ku safrayey Baasaboor...

Maxkamad ku taalla Gambia oo xukun ku riday Somali ku safrayey Baasaboor uusan lahayn

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Maxkamadda Degmadda Brikama ee dalka Gambia waxaa la soo taagay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Cumar Guure Caddow, kaasi oo lagu helay inuu doonayey inuu dalkaasi kaga dhoofo Baasaboor uusan lahayn. Muwaadinkaasi waxaa  bishii November 18-dii ee sannadkan lagu qabtay xilli uu doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda […]

- Advertisement -

courtMaxkamadda Degmadda Brikama ee dalka Gambia waxaa la soo taagay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Cumar Guure Caddow, kaasi oo lagu helay inuu doonayey inuu dalkaasi kaga dhoofo Baasaboor uusan lahayn.

Muwaadinkaasi waxaa  bishii November 18-dii ee sannadkan lagu qabtay xilli uu doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Banjul International Airport.

- Advertisement -

Muwaadinka Soomaaliga ee  Cumar Guure Caddow  ayaa waxa uu watay Baasaboor British iyo Tikidh uu leeyahay qof lagu magacaabo Axmed Wehliye, wuxuuna Eedeysanaha doonayey inuu raaco Diyaarad ay leedahay Shirkadda SN Brussels Airline oo ku sii jeeday Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

BRUSSELS AIRLINESWaxaa la sheegay inay Saraakiisha Garoonka u sheegeen inuusan lahayn Baasaboorka uu watay, balse waxa uu jeebkiisa ka soo bixiyey Baasaboor Soomaali oo uu lahaa, taasi oo keentay inay Saraakiisha ka shakiyaan, kuna wareejiyaan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi.

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Nin Mukhalas ah soo khiyaamay oo keenay dalka Gambia, kana qaatay Kumanaan Dollar, wuxuuna Maxkamadda ka codsaday in la cafiyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Brikama ee dalka Gambia, waxay Muwaadinkaasi Soomaalida shalay ku xukuntay Ganaax Lacageed oo dhan 3,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalka Gambia oo loo yaqaano Dalasi Money.

Garsoore Hilary Abeke oo ku dhawaaqday Xukunkaasi ayaa sheegtay haddii uu Eedeysane Cumar Guure Caddow bixin kari waayo Ganaaxaasi in loogu beddeli doono Xabsi shaqo oo muddo 3 sanno ah.

© Radio Dalsan    

Latest stories