HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo lagu eedeeyey dadka lagu dilay iyo kuwo...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo lagu eedeeyey dadka lagu dilay iyo kuwo lagu la’ yahay W/bari ee dalkaasi.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xildhibaanadda Gobalka Mandera ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Mandera, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka Kenya inay joojiyaan dilalka iyo dadka lagu la’ yahay Mandera. Xildhibaanadaasi oo uu horkacayo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Mandera Council Assembly (MCA), Robow Mohamed, waxay ku eedeeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery inuu mas’uul […]

- Advertisement -

Xildhibaanadda Gobalka Mandera ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Mandera, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka Kenya inay joojiyaan dilalka iyo dadka lagu la’ yahay Mandera.

Joseph NkaisseryXildhibaanadaasi oo uu horkacayo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Mandera Council Assembly (MCA), Robow Mohamed, waxay ku eedeeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery inuu mas’uul ka yahay dadka lagu la’ yahay W/bari Kenya.

- Advertisement -

Waxay sheegeen inuusan Wasiirkaasi sharciga ka sarreynin, loona baahan yahay in lala tiigsado Dastuurka u yaalla dalka Kenya.

“Nkaissery waxa uu sheegay in hooyadii 48-jirka ah ee maydkeeda la helay ay Cunto-kariye u ahayd Alshabaab, taasi ayaana xaqiijinaysa inay Hay’adda Ammaanka ka dambeeyeen dilkeeda” ayuu yiri Roobow Mohamed.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mohamed Abdi oo laga soo doorto Koonfurta Ceel-waaq Kenya, kana tirsan Barlamaanka Mandera Council Assembly (MCA) waxa uu tilmaamay in la la’ yahay 12-qof, wuxuuna ku baaqay in la helo dadkaasi  iyagoo nool ama mayd ah.

- Advertisement -

Hadalkooda ayaa soo baxay iyadoo isbuucii hore la hadal-hayey in Qabuur-wadareed laga helay duleedka Mandera, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ku goodiyey inuu Tallaabo Sharci ah ka qaadayo dadka ka dambeeya Wararkaasi lagu kicinayo Bulshadda.

Khamiistii la soo dhaafay waxaa muddo kooban Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi lagu xiray Senator Billow Keerow iyo 4 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, kuwaasi oo wax laga weydiiyey Hadalkoodii ku aadanaa Qabuur-wadareedka laga helay duleedka Mandera.

Senator Billow Keerow waxa uu raalli-gelin ka bixiyey arrintaasi, isagoo sheegay inuu ka xun yahay hadalkaasi.

© Radio Dalsan                              

Latest stories