HomeWararSarkaal Kenyan oo lagu dilay weerar ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyeen gudaha...

Sarkaal Kenyan oo lagu dilay weerar ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalkaasi.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenyan ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Alshabaab weerareen kolonyo gaadiid oo ay Askartaasi la socdeen, xilli ay marayeen  inta u dhexeysa Degmooyinka Ceelwaaq iyo Lafeey ee W/bari Kenya.

Taliyaha Boliska Mandera, Fredrik Shisia ayaa xaqiijiyey in la weeraray Askartaasi oo ka soo ambabaxday magaalladda Nairobi, kuna soo jeeday Degmadda Mandera.

“Waxaa naga geeriyooday Hal Sarkaal, 2-kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Alshabaab jidgal ama Ambush ku sameeyeen Ciiddankaasi abaarihii 1-dii duhurnimo ee shalay” ayuu yiri Taliyahaasi oo intaasi ku daray in Askartii dhaawaca ahayd loo duuliyey Nairobi, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego heerka uu yahay Dhaawacyadooda.

Waxa kaloo uu sheegay in Ciiddan Gurmad ah oo loo diray goobtaasi ay  gaarigii lagu weeraray Ciiddankaasi u soo jiideen Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Ceel-waaq Kenya

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Mandera, waxa uu tilmaamay inuu weerarku ku dhacay meel ku dhow Xuduudka Somalia, taasi oo Weerar-yahanadda Alshababaab u fududeysay inay dib ugu laabtaan gudaha Somalia.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories